Soomaaliya iyo Midawga Yurub oo kala Saxeexday Heshiis ku Kacaaya 42 Milyan oo Doollar
Muqdisho(HWN):-Xukuumadda
federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa
Ra’iisal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay maanta, ayey
si wada-jir ah ugu kala saxeexdeenka maal-gelinta mashruuca dib-u-dhiska
waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo
Yuuro.
Wasiirka Qorshaynta,
maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka
Midowga Yurub ee Soomaaliye,Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada
jir ah u saxiixay. Mashruuca dib udhiska
waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda
hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.
Mashruuca ayaa dib u dhis loogu
sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku
xira dalka.
"Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso. "
”Dowladda Federaalku
waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay
siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro
ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro
oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka
Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Jamal
Maxamed Xasan.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, "Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’
"Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro.
Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca.” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray heshiiska.
Hadhwanaagnews,Office
Muqdisho, Soomaaliya