Gobaad Waxay La Daaqdaa Sagaal Gorayo Cawlood (Abdi-Shotaly).

0
Sunday November 27, 2022 - 16:00:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Gobaad Waxay La Daaqdaa Sagaal Gorayo Cawlood (Abdi-Shotaly).

    N. B Somaliland Googooye Iyo Wiil Xun Baa Gaawahaw Sidda?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

N. B Somaliland Googooye Iyo Wiil Xun Baa Gaawahaw Sidda?



 

Sheekada ka socotaa Somaliland, waxay ka dhigan tahay " libaaxii intaa neef uu soo dilay isagu, uu ka hoos qaatay dhidarku" adigu waxad is barbar dhig-taan murtidda ku jirta maansooyinka soo socdda, dabeed ka feker sidda ay isu shabahaan. Waxa ka mid ah " Isma doorin gaal-kaan diriyo, daarta kii galay ( Af-Weyne) baan ka eryey, oo waxa ii soo waydaartay. Askari kale oo kun jeer ka xun waa " Raggii ma Adiga ka hadhay" Iyo hangash kale oo loo adeeg-sado kale qoqobka iyo iska hor keenka beelaha, kuwaas oo ay ku hor kacayaan Geenyo shaaximan  "  The engaged Mare Horse, bakhti dhega-Weyn " The big eared corpose" Iyo qaar kaloo ah Digsi xagato ( The pot scrubbers) kuwaas oo lagu adeegto, sidda Xinif, Xasan shahar, Cabdale Abokor, Saallo-xero keen waa ( ka loogu yeedho Cali Mareexaanka) waxa intaa sii dheer Yey qawdha-maysa (The new hungry wolves) Iyana ah qaar hor leh, oo askariga " Xaafad-tooyadu* Uu rabo in uu ummada kamabal-keefda ku sii qaado, iyadoo aanay hadaba wax ku noolayne, waxa ka mid ah Abdilaahi-Dhegoole ( Waa darawal lka) Dr Khal-khal, Daamur, Haad  Geed Waayey ( Ina Xaashi) Catoosh iyo dooryaano ay dabadda ku wataan oo bilaa cirid ilka ah oo wax uun libqi-naaya. Dulin iyo dugaag baa ku habsaday, haleeladdii maandeeq ee qoriga caaraddii lagu xoreeyey, kuna naf-waayeen in ka badan 5000.000. Waa nasiib darro in ay maanta taasi ku dhacdo ummaddii la ogaa waxa soo maray, saw maaha xaalka taagani Maah-maah-ddii ahayd " Kud ka guur oo qanjo u guur".

 

Illaah ha u naxariisyo'e wuxu yidhi Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim), Hashaan gaaxinaa-yeen Lahaa gorofka weyn buuxso, gayaxaa Hashaan kaga xidh-xidhay, gabanti nuugaysay, geed-kay is taag-raba, Hashaan joogay garab-jeedda, galool-kiyo maraagiyo, hashaan kediga gaylaanshay, ceelkii galooniyo Hashaan gaajo ka ilaashay, awrkii gulaaniyo hashaan, gubad-lahaw diiday, guud aan hashii  ka gubay, iyo garaabiido, hawd iyo gar-duur hashii, laba-gar daaqaysay, waxa la yidhi, gal daayeer cabay habri, geysaaye, waxa la yidhi, googooye iyo wiil xun baa, gaawahaw sida'e, wax la yidh, gumude naasihii giigsa-naan jiraye, wax la yidhi, gujaa lagu lisaa, labadda gooroode, gol-qaniina waa loogu dabray, Yaanay gaagixine, goo-faadhi baa lagu godlaa, gabal ka oon dhicine, waagiina way gelelefaan, gaawahoo madhane. Walleye ama gumooboo,, sidaa layga godobaysay, ama ina Rag ways gaadayaa, gacan ku ciil beelay. Akhristaw Illaah godka haw nuuro'e Abwaan qaasim, waxa uu inoo sii sheegay ta maanta taagan, bal hadda isu miisaama halkuu xaalku joogo iyo wakhtiga uu tiriyey maansadan oo ahayd 1964, markii uu arkay meesha ay keligeed la martay koonfur, ee laga qadiyey dadkii reer waqooyiga ahaa, waa sidda ay imika tahay, oo ay askar iimaan la', Waalan oo bilaa maskax ahi ay candhadda u jartaye. Eryada ah " isma doorin gaal-kaan diriyo, daarta kii galay" waa Runtii ee maxay is dhamaan "Af-Weyne iyo Raggii ma adigaa ka hadhay" Aqal keliya muu dhisan, 205 filo iyo Guri baa xeertay, iska dhaaf beeraha iyo hudheeladda loo samaynaayo.

 

Wax badan oo hore ay u sheegeen Abwaan faro badani, baa maanta si cad inoo hor yaala, wayse u badheedheen Askarta cano-dheerta ah iyo kooxda daba leeftaa ee maanta kufsaday wixii aad ugu debed baxeen, dhaawac, dil, darxumo. Mar kale waa kii lahaa Abwaan " Qaasim" Allay-leh, Cabdi iyo aadanaw (Waa cabdirasaaq iyo Adan-Cade), Waydin eersadaye, ab-trisiimo ruuxii yaqaan, aayatiin ma lehe ( Qabyaalad buu ku Maamulaa Askarigu iyo reer hebel) nimaan aabihii maali jirin, looma aamino'e, irmaanaatay maan-Deeq, oo waa iba kuryey-seene, ma Afurin Agoonkii Wadiyo, kii ushaw sidaye, imikay oon iyo abaar, la alwanay-saaye, afar-teedda naas baan lahaa, ubadka gaadh-siiye, waa taas ilmaha loogu xidhay geed adaahiyahe. Bal isu qiyaasa hadda waxa jooga, marka uu leeyahay Qaasim" Ma Afurin  Agoonkii Wadiyo Kii Ushaw sidaye" Raggii ku soo dhintay, oo cidla ka taaqan dhamaan-yood inta nooli, sidda Axmed Mire, Dhega-weyne, Doolaal, Abdiraxmaan Aw Cali, milyan kalena ay dhaawac ku noqdeen, oo ay weliba Derbiyadda jiifaan, darxumo ku hayso, saw maaha arintu Maah-maah-ddii geeridda hadashay ee tidhi " Nin meel waayey baan boos siiyaa" sidda Geenyo-shaaximan iyo Raggii ma adigaa ka hadhay. Waxan ku soo qoofalay maqaalkan, waxa la yidhi " Tallo Adaa ku nool ee iyadu kugu a moola" Waad arkay San, waxa 100% Haysta, iyo inta yar ee ku raaxaysata hanti-diinii, weliba been iyo reer hebel la idinku maallo, idinka oon wax ku qabin, oo la idinku kala qaybiyey gobol-gobol, qof markuu xaqa sheego, mid beeshiisa ah, oo maalin qado loo qaaday ka daba badhaaci-baa yo sidda Sakhraan habaar, ina Cabdi waraabe, Hilible Xasan shahar, xinif, ina Caga-weyne, Cabdilaahi dhrgoole ( Waa darawale) Dr Khal-khal, Haad Geed Waayey, iyo qaar kaloo badan. Cidhib dhigi maysaan haddii aydaan deg-deh isaga qaban qudhun-kan meesha ka jala-butaynaaya.

* N. B Somaliland Googooye Iyo Wiil Xun Baa Gaawahaw Sidda?

Abdi- Shotaly.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...