Somaliland Iyo 2022 !!!

0
Sunday November 27, 2022 - 10:02:58 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo 2022 !!!

    ( inqilaabna xal maaha , aniga ayey igu gudhaana wax la eegto ka weyn )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( inqilaabna xal maaha , aniga ayey igu gudhaana wax la eegto ka weyn )



Waxa Kaliya Ee Wado Sharci Loo Leeyahay In Dareenka Dadka Si Nabdoon Isu Soo Bax Loogu Muujiyo, Kiina....


 


 

Dimuqaradiyada dawladaha Africa iyo dabaqid la'aanta dastuurka ay qortaan waxa ay keeni kartaa in nidaamyadu istaagaan ama ay fashilmaan hawlaha lagu rabo mustaqbalka dawladnimo wanaagsan oo waarta iyo in la helo hab dimuqaradiyadeed wanaagsan oo horumar laga gaadho in la helo nidaam ilaaliya xaqa iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta.



 

Tusaale ahaan dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland waxa ku jira qodobka 32 oo sheegaya xoriyada muwaadinka ee rayi dhiibashada isu soo baxa , saxaafada...


 

QODOBKA 32AAD

XORRIYADDA BANNAANBAXA,RA'YI - DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE


 

1. Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal,

 

muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.


 

2. Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama

 

bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.


 

3. Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee

 

ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay

 

tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminay.


 

Haddana waxa jira xeerar culeysinaya oo uu ka mid yahay xeer lr 52 oo ah xeerka nabadgalyada guud ee qaranka oo sheegaya in muwaadiniinta, siyaasiyiinta, iyo cidwalba oo rabta in ay banaan bax sameysaa in ay wasaarada Arimaha guduha warqad ka qaataan.


 

Ogow wasaarada arimaha guduhu waxa ay ka masuul tahay nabadgalyada, ha yeeshee waa wasaarad ka tirsan xukuumada uu banaanbaxu ku waajahan yahay, lagama yaabo in ay ruqsad bixiso, sidoo kale waxa la sameeyaa hadii aad ka dalbato in ay ku yidhaahdaan khasaaraha dhaca ma adigaa ka masuul ah , arinkani oo inta badan warwar ku abuura dadka u soo diyaar garoobay in ay sameeyaan isku soo baxyada iyaga oo ka cabsi qaba in xukuumada dad ku dhex darto ama dad taabacsani inta ay banaan baxyada raacaan in ay gaystaan khasaare hadhow iyaga loo qabsado .


 

Haddaba hadii xisbiyo mucaarid, ururo siyaasadeed iyo muwaadiniin kaleba waxa kaliya ee u banaan in ay sifo sharci ah u banaan bixi karaan , kiina waxa ka yimid dhibaato ka dib markii ay muwaadiniin mudaharaadayey ciidamada police ka jamhuuriyada Somaliland xabad u isticmaaleen mudaharaadyadii dhacay 09 June 2022 , 11 Aug 2022 iyo 13 Nov 2022 .


 

Isku soo wada duub oo dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo la isku mariwaayey in laga gaadho heshiis siyaasadeed qabsoomida doorashadii madaxweynaha iyo doorashadii ururada siyaasada jamhuuriyada Somaliland oo abuuray xaalad aad u kakan oo dhinacwalba saameysay dadka jamhuuriyada Somaliland.


 

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ku jirtaa xaalad siyaasadeed oo aan la saadaalin karin waxa ay ku dhamaan doonto maadaama axsaabta mucaaridku sheegeen in ay xukuumada kalsoonidii kala noqdeen , halka xisbiga talada hayaa ku eedeeyey mucaaridka in ay ku kaceen dastuur jabin oo aanay wax xuquuq siyaasadeed ah ku lahayn qaranka .


 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...