Dawladda Japan Oo Akhlaaq Wanaaqa Dugsiyada Lagu Dhigi Doono

0
Sunday November 27, 2022 - 10:00:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Japan Oo Akhlaaq Wanaaqa Dugsiyada Lagu Dhigi Doono

    Hadaba dhaqankoodii iyo akhlaaqdoodii suubanayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba dhaqankoodii iyo akhlaaqdoodii suubanayd



Dawladda japan ayaa waxay dugsiyadii wax barashada waxay ku soo rogtay in ardayda loo dhigo maaddad cusub oo la yidhaahdo akhlaaqda suuban oo dhalinta lagu barbaariyo .


 

Akhlaaqdii suubanayd ee dadkii hore ee japaaniiskii hore lahaayeen , oo ku salaysnayd is-ixtimaamid- kala danbay - is-qiimayn oo qofba qofka kale qiimeeyo - si wanaagsan iyaga oo u wada hadli jirey - isdhegeysan jiray -xishmad- salaanta oo aanay isla dhaafi jirin iyo iska warhaynta .



 

Hadaba dhaqankoodii iyo akhlaaqdoodii suubanayd ayaa waxa bedeshay , mid wadata ixtiraam-darro -- dulqaad yari- kala danbayn la'aan iyo af-xumo .


 

Arimaasuna waxay sababeen in danbiyada dadku kala galaan ay aad iyo aad u fara bataan , iyo in bulshadii uu soo kala dhex galo nacayb iyo colaad aan aasaas lahayn iyo ujeedo toona .


 

Sidaa awgeed waxay xukuumaddu go'aamisay in da'yarta lagu soo barbaariyo akhlaaq suuban.


 

Hadaba bal waxaad ka warantaa qof kasta oo soomaaliyeedaw , oo aad iswaydiisaa akhlaaqdaadu nooca ay tahay adiga , intaanad dadka kale xukumin ?


 

Waxaynu wada ogsoonahay wada garanaynaana akhlaaqdu qiimaha ay ku leedahay diinteena suuban iyo diinteena suubani sida ay akhlaaqda uga hadashay .


 

Shahaadaddi ugu saraysay ee ilaahay (jwc) ee uu siiyay nebigeenii suubana maxamed waxay ahayd

( wa in-naka lacala khuluqin cadhiim) oo mecnaheedu yahay (waxaad leedahay akhlaaq cadhiim ah ) .


 

Hadaba waxay ahayd in akhlaaqda wanaagsani dhaqankeena iyo nolosheena ay ka muuqato .

oo ay noqoto mid ummadaha kale inagaga daydaan .


 

Diinta islaamkuna dunida daafaheeda kale waxay ku gaadhay akhlaaqdii suubahayd ee dadka muslimiinta ah laga arkay .


 

Hadaha xaggay inaga iyo dadka muslimiinta maanta jooga ka martay .


Waxaynu wada ognahay in dhibaatooyinka dadka muslimka haysataa , ay tahay akhlaaq xumo , una sabab tahay waxaa dhibaatooyin dhacaaya oo dhan .


 

Hadaba hadaynu doonayno in bulshadeenu hagaagto , waa in akhlaaqda buldhada la hagaajiyaa .

 

Waa in akhlaaq wanaaga dugsiyada lagu baraa da;yarta , laguna barbaariyaa , si loo helo bulsho akhlaaq wanaagsan .


 

Waa in wacyi gel;in badan lagu sameeyaa bulshada oo lagu dhiiri geliyaa , sidii akhlaaq dooda loo hagaajin lahaa .


 

Kadib waxa la helayaa bulsho caafimaad qabta , isna jecel , waxna wada qabsanaysa -

Waxaana lagaadhi doonaa in la helo midnimo iyo horumar fiican .


 

Umadaha dunidana waxay ku kala horeeyaan , siday akhlaaqdoodu u kala wanaagsan tahay .

 

Haddii aad aragto ummad akhlaaqdeedu xuntahay , waa ummad aad u liidata , aadna u hoosaysa .

Ummadda akhlaaqdeedu hoosaysaa waa ummad sii dhimanaysa .


 

Haddii aad aragto ummad akhlaaqdeequ wanaagsan tahay , waa ummad jiritaankeedu iyo horumarkeedu mustaqbal wanaasan leh .


 

Ummadaha waxa lagu miisaamaa inta ay akhlaaqdeedu le 'eg tahay .

 

Hadaba bal qof-kastaw ismiisaan oo akhlaaqsaada miisaankaaga saar ?


 

Waxaanad ogaataa akhlaaqda suuban midna waa loo dhashaa ,midna waa la kasbataa ,

 

hadaba adigu akhlaaq nooceeya ayaad doonaysaa inaad kasbato ?

 

Akhlaaq xumadana lafteeda waa la kasbadaa .


 

Hadaba qof kastaw naftaada ka bilaw oo kasbo (baro) akhlaaq suuban , sidaasna waxa ku dhismaysa bulsho wada suuban .


 

Wixii wanaagsan ee aad naftaada la jeceshahay , dadka kalena la jeclow .


 

Sida wanaagsan ee aad doonayso in laguula hadlo , dadka kalena ula hadal


 

[email protected]


CALI MAXAMED BIIXI

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...