Xisbiga Ucid Oo Dhaliilo Usoo Jeediyay Wasaarada Ciyaaraha SLAND
Hargaysa (HWN) Xoghaye
dhalinyarada Iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka ee UCID Faarax Axmed Yuusuf ayaa sheegay in ay lumen haybadii
ay ciyaaruhu lahaayeen.
Xoghayaha ayaa sidaasi
ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:
"Waxa luntay kala danbayntii haybadii ciyaaruhu lahayee 32kaa sano mahayno waxa xeer ah oo ciyaaraha lagu hago oo ay ansixiyeen golaheena xeer
dajintu Somaliland.
Maalinkasta waxa aynu garoonadeena ku arkaynaa dhacdooyin inaga yaabiya oo aan lagu
cibro qaadan maanta waxa inoo muuqata
garsoorahaa haybadisii iyo karaamadisii garoonka lagu dhex badalay.
Halkan waxa inooga muuqata in Doorkii wasaarada
dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xidhidhkii kubada cagtu meesha ka baxay.
Xisbi ahaan waxa aan leenahay oo aan cod dheer ku
soo jeedinaynaa in la sameeyo
Gudidii Olympickada heer qaran si
loo helo xeer kubada cagta iyo ciyaaraha kala duwan lagu hago.”
Xoghaye dhalinyarada Iyo Ciyaaraha ee Xisbiga
Cadaalada Iyo daryeelka ee UCID Faarax
Axmed Yuusuf