Dardaaran: Sharciga ha lagu adkaado, cadaaladana hala xoojiyo

0
Sunday November 27, 2022 - 09:41:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dardaaran: Sharciga ha lagu adkaado, cadaaladana hala xoojiyo

    Maanta Waxa Taagan Arimo Badan Oo Shaqaynta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Waxa Taagan Arimo Badan Oo Shaqaynta



Waqtigii Xosbiga Hadda Takes A Hayes Uu Talada Qabtay Ayaa Waxaan Qoray Maqaal Ka Hadlaya Baahida Loo Qabo Socodsiinta Sharciga Iyo Xoojinta Caddaalada. Waxanan Wax Ka Taataabtay Aafooyinka Ka Dhalan Kara Sharciga Oo La Hirgailin Waayo Iyo Caddaalada On La Wiiqo. Ummada Wacay Ku Wada Noolaan Kartaa Sharci Shaqeeya Iyo Caddaalad Hufan.



 

Waxan Maamulka Usoo Jeedinayaa My Hoose Iyo My Sareba Inuu Ku Fara Adaygo Sharciga, Xeer Jajab Sharciga Baalmarsana Uu Ka Fogaado.

 Summada Maamulkuna Ay Noqoto Sharciga Oo Lagu Shaqeeyo Qofkii Isku Days Inuu Sharciga Baalmarana Talaabo Laga Qaado Cadaalad Iyo Sharci Ku Salaysan. Taas Weeyi He Dawladnimada Dhaqaajinaysa Dadkana Noolaynaysa. Muwaadinku Was Inuu Ogadaa In Sharcigu Uu Shaqynayo, Kalsoonina Uu Ku Qabi Cadaalada Iyo Garsoorka Dalka.


 

Maanta Waxa Taagan Arimo Badan Oo Shaqaynta Sharciga Iyo Caddaaladaba Mugdi Galinaya. Taasna Waxa Horkacaya Warbaahinta Noocyadeeda Kala Duwan Oo Aqoon La'aan Iyo Tayo Darro Baahsani Ka Muuqato.


 

Waa Sax Warbaahintu Inay Xor Ahaataa Oo Ay Shaqadeeda Gudataa. Laakiin Taasi Waxay U Baahantahay Aqoon Iyo Xilkasnimo. Waa Warbaahinta Aynu Haysanaa Mabaadii Iyo Hadaf Ma Leedahay? Shabigana Masoo Jiidan Karaan Iyaga Oo Xirfad Iyo Aqoon Kusoo Jiidanaya, Waxa Ay Tabinayaana Diirad Saaraya On Fiirinaya Raadka Iyo Saamaynta Ay Shacbiga Ku Yeelanayso.


 

Taas Haddii Aan Yara Dul Istaago, Maanta Arrimaha Dalka Ka Taagan Ee Aynu Wada Arkayno Sida Shacbigii Loo Kala Gurayo Waxa Qaybi Wayn Ka Ah Mediada Noocyadeeda Kala Duwan Oo Moodo Inaanay Wax Tifa Tire Ah Lahayn Oo Shaandheeya Waxa Ay Tabinayso. 

Arinkana Runtii Khatartiisa Ayuu Leeyahay Haddii Aan Hoos Loo Eegin, Shuruuc Mediada Lagu Tayeynaya La Hirgailin. Manafilayo Maamulka Hadda Jiraa Inuu Arinkaa Galikarayo Xaaladaha Siyaasadeed Ee Dalka Ka Jira Awgeed, Sida Doorashooyinka Oo Xiise Iyo Caadifadba Kicinaya.


 

Markaa Waa Iga Talo In Maamulka Danbe Muddo Xileedkiisa Uu Arimahan Diirada Saaro. Waliba Arkani Wuxuu Khuseeyaa.


1. Sharci Dajinta Dalka Oo Loo Baahanyahay Sharci Hufan Oo Maareeya Mediada. Lana Auburn Laan Ilaalisa Tayada Mediada Iyo Xuquuda Wadaniga


2. Laamaha Fulinta Sharciga Oo Baahanyahay Ka Shaqaysiinta Sharciga Oo Wixii Meet Ka Dhac Ku Ah Shaqsi, Bulshowaynta Shacbiga Iyo Qarankaba Ay Talaabo Ka Qadaan.


3. Garsoorka Oo Isna Loo Baahanyahay Inuu Cadaalada Ilaaliyo Cid Aan Cadaymo Lagu Hayn, Ama Sifo Sharci Loo Marin Ay Cadaalad Hesho.


3. Mediada Oo Protokooladeeda Ilaalisa Si Ay Tayadeeda U Ilaaliso.


 

Waxan Kusoo Gunaanadayaa Arinkani Waa Muhiim Waana In 5 Sano Ee Soosocda Lasiiyo Mudnaanta Uu Mudanyahay.


 

Qore: Mowlid Ali Hure

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...