Dil Xalay Hargaysa Ka Dhacay Oo Nin Ajaaniba Lagu Eedeeyay
Ciidanka Booliska
JSL ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay
Eedaysane ifsa Axmed Shariif oo ku Eedaysan ina uu dilay Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq 22 jir.
Eedaysanahan oo ka soo
jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan in uu ku dilay Marxuumka Feedh jilib
uu ku dhuftay, Dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed Ee Magaalada Hargeisa
hortiisa.
Ciidanka Booliska ayaa
markii lagu soo war galiyey Dhacdada Dilkaasi ka Hawlgalay waxayna Saacado
Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha Oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.
Ciidanku waxa uu ugu
baaqaayaa cid kasta oo isku day amni
darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.
Ugu Dambayn Ciidanka
Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha
ay mar waliba la soo wadaagaan.
Alle Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL.