Ragga Gaagaaban Oo Kumannaan Doollar Ku Bixinaya Inay Is Dheereeyaan

0
Sunday November 27, 2022 - 08:20:00 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ragga Gaagaaban Oo Kumannaan Doollar Ku Bixinaya Inay Is Dheereeyaan

    "Waa qalliin xanuun badan, taas oo micneheedu yahay soo kabasho dheer"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa qalliin xanuun badan, taas oo micneheedu yahay soo kabasho dheer"



 

Sam ayaa lagu sameeyay qaliin ka caawiyay inuu helo xoogaa dhirir ah. "Haweenka guud ahaan ma shukaansadaan ragga iyaga ka gaaban. Waxaa iigu adag mararka qaarkood waxaa weeyaan inaan dareemo inaanan heli karin xaas."

 

Eryadaan waxaa yiri Sam, oo ah 30 jir u dhashay dalka Ingiriiska, kaas oo ka qayb galaya qalliinnada qurxinta ee ragga ee dalalka sida Maraykanka, Ingiriiska iyo xitaa Spain.

 

Qalliinkan waa mid  dhererka lugaha kor loogu qaadayo.

 

Waa qalliin qalafsan oo lugta la jabinayo si loo helo dhowr senti mitir oo dhirir ah.

Sam waxa uu tilmaamay in qaliin lagu sameeyay awgeed uu kor u kacay 8 sentimitir, oo hadda uu gaaray 1.70 mitir dhawr bilood gudahood.

 

Qalliinkan ayaa qofka ku qaadanaya toddobaadyo marka ay timaaddo habka soo kabashada iyadoo bukaanku xitaa aanu socon karin bilo.

 

Xaaladaha qaarkood raggu waxay bixiyaan ku dhowaad 70,000 oo doollar si ay u helaan dhowr taako oo dherer ah.

 

"Waa qalliin xanuun badan, taas oo micneheedu yahay soo kabasho dheer sababtoo ah qayb ka mid ah lafta ayaa jilicsan, markaa waa inaad sugto inaad socotid ilaa laftu ay dib u qaadi karto miisaanka jirka," ayuu u sheegay BBC Mundo dhakhtar Kevin Debiparshad, oo sameeya qaliinkan.

 

Debiparshad ayaa ilaa 50 qalliin oo noocaan ah bishiiba ku sameeyay xaruntiisa Las Vegas, oo lagu magacaabo Machadka LimbplastX, halkaas oo uu sheegay inuu ku arkay koror baahida bukaannada ragga ah.

"Waxaa isa soo taraya, in ragga la leeyahay iskuma sameyn karaan qalliinka isqurxinta waxaasi waa laga soo tagay,” ayuu yiri dhaqtar Debiparshad.

 

Laakiin had iyo jeer may ahayn sidaas. Muddo sanado ah, gaar ahaan wadamada bariga, qaliinka dheereynta lugaha ayaa si aad ah looga baahnaa haweenka.

 

Tusaale ahaan, warbixinnada warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxay muujinayaan in haween badan oo Shiinaha ah, oo aad uga badan kuwa dalalka kale, ay sameeyeen qalliin ka la mid ah si ay u dheeraadan.

 

Si kastaba ha ahaatee, dalalka reer galbeedka tirooyinka ayaa muujinaya inay kordheyso tirada ragga baahida u qaba qalliinkaan.

 

Baxnaaninta ma aha bilicda

 

Dhaqankaas waxaa ku xeeran muran badan. Ururka Maraykanka ee Dhakhaatiirta iyo Akademiyada Maraykanka ee Dhakhaatiirta Lafaha labaduba waxay ku tilmaameen dukumiintiyada loo soo diray BBC Mundo in qalliinka dheereynta lugtu uu yahay habka lafaha ee ujeeddooyinka qurxinta.

 

Hormuudka farsamadani waxaa hoggaaminayay dhakhtarka lafaha ee Soofiyeedka kaas oo u soo saaray daawaynta baxnaaninta askartii lagaha laga gooyay dagaalkii labaad ee adduunka.

 

Magaciisu wuxuu ahaa Gavril Ilizarov, wuxuuna ahaa dhakhtar la ixtiraamo, oo waqtigii uu joogay goobaha dagaalka joogay ogaaday, isla markaana tijaabooyin uu sameeyay muddadii uu ardaynimada uu  ku jiray, ay u sahashay inuu lafaha, gaar ahaan lafaha isku xiro qaybo ka mid ah jir, ay u muuqdaan inay ballaariyaan oo "buuxiyaan" farqiga, qaybo ka mid ah lafaha.

 

Dabadeed Ilizarov waxa uu sameeyay farsamo ku saabsaneed jabinta lafta, balse isaga oo aan waxba ka dhimayn qaybta loo yaqaanno periosteum (oo ah qaybta dibadda ee lafta), in yar ayuu kala saaray oo sugayay lafta lafteeda si uu uga taxadaro qabsashada booskaas.

 

"Farsamadani wax badan ayay kobcisay, laakiin runtii fikradda bilawga ah waa isku mid: waxa aan samayno waa in lafta lafteedu ay buuxiso booskaas, halkaasna waxaa laga helaa sentimitirka dheeraadka ah ee bukaanku rabo," ayuu yiri Debiparshad.

 

Sida ay u sharraxeen BBC Mundo, dhakhaatiir badan oo ah kuwa qalliimada, daawaynta caadiga ah waa sida soo socota: marka hore, dalool ayaa la qodaa oo laga sameeyaa lafaha lugaha, ka dibna labo ayaa loo kala qaybiyaa.

Intaas ka dib, ul bir ah ayaa a la gelinayaa lafta waxaana lagu dhejiyaa isugeyn xiriir ah.

 

Usha ayaa markaa si tartiib ah loo dheereeyaa ilaa 1 millimitir maalin kasta, iyada oo la kala bixinayo ilaa bukaanku ka gaaro dhererka la rabo.

 

Sam iyo bukaannada kale labadaba, nidaamku maaha mid ay ku xanuusanayaan, laakiin waqtiga soo kabashada wuxuu noqon karaa mid aad u dheer.

 

"La tashigii ugu horreeyay, dhakhtarku wuxuu si cad iigu sheegay sida ay u adag tahay qalliinka, waxaan ka walwalay waxa aan sameyn karo ka dib markaan helay sentimitiryadaas dheeraadka ah, weli ma awoodi doonaa inaan socdo? Weli ma awoodi doonaa orod?" ayuu yiri bukaanka Ingiriiska u dhashay ee Sam.

 

Sam waxa uu xusay inuu sameeyo daawayn jireed dhawr saacadood maalintii, saddex ilaa afar jeer toddobaadkii, muddo lix bilood ah.

 

"Waxay ahayd waayo-aragnimo aad u bahdilaad ah,”. ”Waxay la mid tahay inaad lugo cusub aad yeelatay oo aad barato inaad mar kale socoto. Waxay u egtahay qalliin la isku qurxiyo, laakiin wax badan caafimaadka maskaxda ayuu wax yeelay," ayuu yiri.

 

Khatarta

 

Arrintaani waa mid ka mid ah dhinacyada sida weyn u soo jiidanaya bulshada caafimaadka marka la eegayo qalliimadaan, khataraha samaynta habka qallafsan ee ujeeddadiisu tahay  qurxinta.

 

Dhakhaatiirta takhasuska u leh qaarkood waxay ka digayaan dhibaatooyinka iman kara, laga bilaabo dhaawaca neerfaha iyo halbowlayaasha ilaa suurtagalnimada in lafahu aysan mar kale isku milmin.

 

"Farsamooyinka iyo tignoolajiyada ayaa si aad ah u horumaray labaatankii sano ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigaysa nidaam ammaan ah; si kastaba ha ahaatee, marka lagu daro lafo badan oo sii kordhaya, muruqyo badan, dareemayaasha, xididdada dhiigga, iyo maqaarka waana in nidaamkani yahay mid aad u adag." Hamish Simpson, oo ah dhakhtarka lafaha, ayaa sidaasi u sheegay weriyaha BBC Tom Brada.

 

Laakiin ma aha oo kaliya arrin jireed: takhasusayaashu waxay ka digayaan khataraha nafsiga ah ee ay tahay in la tixgeliyo, sida xaqiiqda ah in qaar ka mid ah bukaannadaas laga yaabo inay qabaan dysmorphia jirka.

 

Waxayna taasi u horseedaysa, sida ay khubarradu sheegeen, inay qalliinka ka hormariyaan caafimaadka, jirka iyo maskaxda.

 

BBC


Loading...
Loading...