M.Biixi Muxuu 5-Tii Sano Qabtay? Muxuu Soo Kordhinayaa Hadii Loo Kordhiyo?

0
Saturday November 26, 2022 - 19:52:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    M.Biixi Muxuu 5-Tii Sano Qabtay? Muxuu Soo Kordhinayaa Hadii Loo Kordhiyo?

    W/Q: Cali maxamed biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali maxamed biixi



 

M.BIIXI 5 sano ayuu dhamaystay iminka .

Hadaba muxuu qabtay mudadaas 5-ta sano ahayd?

Khilaaf iyo qabyaalad- xadhig-xasuuq-xabudhin-eex-boob-dhac- saxaafadii oo la xidh xidhay -xoriyatul qawlkii oo la joojiyay-caga juglayn iyo cadaalad daro.

 

Hadaba maxuu soo kordhinayaa hadii loo kordhiyo ?

Ama maxaa ka qabyo ah ee uu doonayaa in uu dhamays tiro?

Waynu wada ognahay inaanu weli ka dhergin boobkii iyo baloodhadii uu dhacaayay.  Wax uu soo kordhinayaa ama uu qabanayaa ma jirto aan dhibaato iyo khilaaf ahayn iyo dib u dhac iyo in uu sababo dagaal sokeeyo. 

M.BIIXI waxa uu doonayaa in dagaal sokeeye dalka ka dhaco. 

 

Siyaasadda dalka Somaliland waxay tahay

1-Nabad-gelyada

2-Wada tashiga

3-Doorashooyinka

Iyo

4- axsaabta badan

Hadaba wixii Somaliland lagu yaqaanay ee ay ku soo caano maashay ee beesha caalamka oo dhami ku amaani jirtay.

M.BIIXI wuu diiday

Dhibaato kasta oo Somaliland ka hortimaada wada tashi iyo isdhegeysi iyo isu tanaasul iyo is afgarad ayuu ku soo dhamaan jiray.

 

Laakiin maanta M.BIIXI oo muddo xileedkiisii dhacay 5-tii sano ee la doortay

13 Nov 2022

Ayaa waxa uu diiday oo ku gacan saydhay salaadiintii iyo ganacsatadii iyo cuqaashii iyo wax garadkii iyo culimadii iyo bulshadii oo dhan iyo beeshii caalamka oo dhan  OO UU MAANTA TELEPHONE-kii ka xidhay.

 

M.BIIXI shacabku wuu u codeeyay in uu madaxweyne ka noqdo dalka muddo 5 sano ah .

Muddo korodhsi farsamaysan oo aan sharciga waafaqsanayn Ayuu komishanka doorashooyinka qaranka somaliland u sameeyay in uu doorashada ku qaban karo muddo 9 bilood ah  golahii guurtida waxa uu u  sameeyay 2-bo sano oo aan sharci ahayn  Kol hadii aanay jirin duruufo sharci oo keenay in loogu kordhiyo  Iyagiina (golihii guurtida )  5 sano ayay kordhisteen . Waana sharci daro.   (Oo aan sharciga waafaqsanayn) 15 sano sharci daro ayay ku fadhiyeen .

 

Golaha Guurtida maxaa cashuurta dadka laga soo uririyo u qaataa ee loo siiya golaha guurtida(£3) milyan oo dollar s sanadkii ?

 

Waa golihii loo doortay in uu Nabad-gelyada iyo khilaafaad xalinta dalka u qaabilsan.  Maanta oo khilaaf siyaasadeed jiro fasax 2-bo bilood ah bay iska galeen .

 

Micbaheeduna waxa weeye :

Muusaw dalka inqilaab anagu waanu kuu banaynay.  M.BIIXI arinkan uu wado iyo qasabkan uu doonaayo in uu muddo korodhsi ku helaa . Mid soconaaya oo  suurto gelaayana maaha. 

 

Dalka xoog kumuu qabsan

.kuna sii haysan maayo xoog. 

Miyaanu M.BIIXI taariikhda waxba ka ogayn in kaligii talis kastaaba dil ama qaxooti ku danbeeyo? Shawsisko gurigiisii madaxtooyada ayaa lagu dilay (daldalay)  Qadaafi sidii loo dilay waad ogayd (quwadii soveit) ka sidii shacabku u riday waad igayd. Siyaad Bare sidii loo riday waad ogayd.  Iyo qaar kale oo badan, Hadii aad maanta wax dhegeysan waydo  Waxa kuu danbeeya iyo meesha aad ku danbeynaysaa

 

Ciidanku waxa uu wax taraa ama qiimo leeyahay marka uu shacabkiisu taageersan yahay. 

Laakiin qiimo iyo sharaf iyo awood ma laha

Hadii ciidanka iyo shacabku ay Coloobaan. 

Keligii talis ma noqonaysid

Lagaa yeeli maayo .

 

Xisbiyada mucaaradka waa in ay wax kasta oo ay ku joojinayaan ninkan waalan ay sameeyaan . Muddo korodhsi aan heshiis lagu ahayni ma dhacayso muusaw.

Bal maxaad muddo korodhsi u doonaysaa ee aad soo kordhinaysaa?

5 sano oo khasaare ah baa lagaa joogaayee?

 

 

Cali maxamed biixi

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...