Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi oo Xalay Lagu Dhexgaraacay Hargeysa Iyo Sababta Gacanta Loo Saaray

0
Saturday November 26, 2022 - 09:43:46 in News by Abdi Good
  • Visits: 4904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi oo Xalay Lagu Dhexgaraacay Hargeysa Iyo Sababta Gacanta Loo Saaray

    Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi oo Xalay Lagu Dhexgaraacay Hargeysa Iyo Sababta Gacanta Loo Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi oo Xalay Lagu Dhexgaraacay Hargeysa Iyo Sababta Gacanta Loo Saaray

Wasiir ku xigeenka hawlaha guud Maxamuud Warsame Jaamac oo ay weheliyaan Masuuliyiin kale ayaa goor dhawayd laga jabjabiyey baabuurkiisii uu watay oo ku sugnaa xaafada Sheekh Cumar ee degmada 31 May ee Hargeysa.


sida ay ii xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ahi Wasiir ku xigeenka hawlaha guud oo ay wehelinayeen agaasimaha guud Maxamuud Suldaan Aadan iyo agaasimaha waaxda dhulka Ciise Maxamuud Ciise oo uu abti ruma u yahay Muuse Biixi ayaa doonayey inay qorsheeyaan beer ay xukun ka soo saartay maxkamada Hargeysa, iyaga oo sharci daro ula safan cidii laga xukumay.

warku waxa uu xaqiijiyey in dadweyne gadoodsani ay jajabiyeen oo ay la hadheen gaadhigii Wasiir ku xigeenka hawlaha guud ka dib markii ay ku baraarugeen Ciise Maxamuud Ciise oo xubnaha kalana u soo kaxaystay inay hab xoog ah ku qorsheeyaan beerta ay maxkamada Hargeysa xukunka ka soo saartay.

Wasiir ku xigeenka hawlaha guud ayaana raacay wiilka Muuse Biixi abtiga u yahay Ciise Maxamuud Ciise oo wasaarada hawlaha guud ka ah agaasimaha waaxda dhulka, isaga oo ku shaqaysanayey cagaftii wasaarada oo uu doonayey in beer loogu qorsheeyo qoys ay madaxweynaha isku deegaan yihiin oo maxkamadu ka xukuntay lahaanshaha dhulka beertaas, waxna ku waayey dacwadii ay qabeen.

dadka goobjoogayaal ah ayaa ii sheegay in muwaadiniintii xaqa u lahaa ee ay maxkamadu u xukuntay beertan ay gacanta saareen masuuliyiintii wasaarada hawlaha guud, waxaanay jajabiyeen oo ay la hadheen ilaa hadana haystaan gaadhigii Wasiir ku xigeenka halka dirqi lagaga soo badbaadiyey sadexdii masuul ee xaqdarada ku wada socday.

Loading...
Loading...