Dhaqaalaha Ku Baxay Barmaanijka Shaqo Qaran Iyo Natiijada Ka Soo Baxday Mays Waafaqsan Yihiin?

0
Saturday November 26, 2022 - 09:40:11 in News by Abdi Good
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaalaha Ku Baxay Barmaanijka Shaqo Qaran Iyo Natiijada Ka Soo Baxday Mays Waafaqsan Yihiin?

    Dhaqaalaha Ku Baxay Barmaanijka Shaqo Qaran Iyo Natiijada Ka Soo Baxday Mays Waafaqsan Yihiin?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaalaha Ku Baxay Barmaanijka Shaqo Qaran Iyo Natiijada Ka Soo Baxday Mays Waafaqsan Yihiin?
May be an image of text that says 'Budget/ 4 Months $ $892,442 Trainee 500 2,769 Shaqo Qaran $1,113,875 W Farsamada Gacanta'



Cabdiqani Muuse oo ku magac dheer Eng Saabir oo ka mid ah aqoonyahanada somaliland ayaa soo bandhigay inta uu leeg yahay dhaqaalaha ku baxay barnaamijka shaqo qaran iyo natiijada ka soo baxday.

Eng Saabir ayaa soo bandhigay dhaqaalaha xukuumadu ku bixisay barnaamijka Shaqo qaran, isaga oo sheegay in faa,iidada laga helay ay noqotay mid aan ka turjumayn lacagta ku baxday, waxaanu ku yidhi qoraal uu soo saaray:-

Barnaamijka Shaqo Qaran oo socda muddo 4 bilood ah waxaa sannadkii u danbeeyay ee 2021 loo qaatay 500 qof, miisaaniyada tababarkooda ku baxaysay calaa qof waa USD 1,785. Halka dugsigayada farsamada gacanta ay isla waqtigaa 2021 ku jireen 2769 qof, miisaaniyada 4 bilood ku baxaysa calaa qof waxay ahayd USD 402. Qofka carbiska shaqo qaran ku jira ayaa 5 jeer ka miisaaniyad badan ardayga farsamada gacanta oo u baahan qalab, agab, laydh, iwm.

Maxsuulka (ROI)

Tababarka Shaqo Qaran midhihiisu waxay noqdeen culays dawladda fuulay iyo shaqaale abuur ay ku baxday USD 18.7 Milyan oo mushahar ah. Dhanka kale, qof kasta oo ka aflaxa farsamo gacmeed wuxuu noqdaa shaqaale qaranka ku soo kordhiya cashuur, shaqo, cudud farsamo iyo xakamaynta lacagihii farsamo yaqaanada ajaanibka ahi dalka ka saari jireen.

Guud ahaan USD 23 Milyan oo ku baxay barnaamijka shaqo qaran haddii loo leexiyo dhanka farsamada wax wayn ayay tari lahayd. Haddii laga maarmi waayo manhajka Shaqo Qaran ha laga dhigo mid la xidhiidha shaqada xarumaha dawladda.


Loading...
Loading...