Ciidanka Booliska Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Koox Dilal Ka Gaysatay Magaalada Laascaanood

0
Saturday November 26, 2022 - 09:37:44 in News by Abdi Good
  • Visits: 1480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Koox Dilal Ka Gaysatay Magaalada Laascaanood

    Ciidanka Booliska Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Koox Dilal Ka Gaysatay Magaalada Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Koox Dilal Ka Gaysatay Magaalada Laascaanood

Laascaanood (HWN):-Ciidanka booliska gobolka Sool oo uu hogaaminayo taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Cali Axmed Shire, ayaa gacanta kusoo dhigay Shabakad aragagixiso oo dilal qorshaysan hore uga fuliyay gobolka Sool sida lagu xaqiijiyay qoraal ka soo baxay booliska qaynta gobolka Sool.
May be an image of 4 people, car and road


Kooxda shabakada argagixiso ee la qabtay oo dilal qorshaysan iyo falal amnidarro ka gaysan jiray magaalada Laascaanood,ayay ciidanka booliska gobolka Soo loo muddo ku daba jiray isla markaana hawl gal ammaanka lagu sugayo gobolka Sool ka waday gacanta kusoo dhigeen kooxdaas.

Gacan ku soo dhigga kooxda argagixisada ah ayay boolisku kala kulmeen iska caabbin iyo dagaal ay booliska kala horyimaadeen balse ugu dambayn ciidanka booliska ayaa gacanta kusoo dhigay.

Ciidanka booliska oo muddooyinkii u danbeeyay ku hawlana baadhitaano iyo dabagal xoogan, waxa u suuragashay inay soo qabqabtaan shabakad ciidanku siweyn ugu dabajireen.

Ciidanka booliska gobolka Sool oo kaashaanaya shacabka degmada Laascaanood, ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad aragagixiso oo si abaabulan ugumaadi jiray haldoorka iyo waxgaradka Laascaanood.

Booliska gobolka Sool waxa uu weli ku daba jiraa qaybo kale oo kamid ah shabakadaas.

Waxana sidan lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay barta xidhiidhka arrimaha bulshada Facebook, ee taliska qaybta booliksa gobolka Sool.
Gaba’gabadii waxa ciidanka booliska magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ay u mahadceliyeen sida wanaagsan ee ay bulshadu ula wadaagaan cadawga doonaya inay wiiqaan nabadgelyada Qaranka Somaliland ku taabo qaaday.

Loading...
Loading...