Lacagta La Siinayo Garsoorayaasha Koobka Aduunka Oo La Shaaciyey

0
Saturday November 26, 2022 - 09:33:20 in News by Abdi Good
  • Visits: 1582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacagta La Siinayo Garsoorayaasha Koobka Aduunka Oo La Shaaciyey

    Lacagta La Siinayo Garsoorayaasha Koobka Aduunka Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lacagta La Siinayo Garsoorayaasha Koobka Aduunka Oo La Shaaciyey


Garsooreyaasha ugu wanaagsan dunida ayaa intooda badan ku sugan waddanka Qatar oo ay FIFA usoo xushay inay dhax-dhaxaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee maanta bilaabmaya. FIFA ayaa soo xulatay garsooreyaasha ugu khibradda iyo go’aamada wanaagsan, waxaanay garsooreyaasha nasiibka u yeeshay inay tagaan Qatar ay heli doonaan lacago badan.



36 garsoore ayay FIFA u magacowday Koobka Adduunka ee sannadkan, waxaana mid walba la siinayaa lacag duuduub ah oo gaadhaysa 70,000 dollar oo ah inay tartanka ugu weyn qabanayaan, iyadoo calanwadeyaashana loo shubay min $25,000 dollar.


Laakiin intani waa mushahar oo kale, waxaana jiraya lacago kale oo ku xidhnaanaya kulamada ay qaybtaan, waxaanay lacagahaasi ugu yaraan saddex jibbaar ka badan yihiin inta la siiyo garsooreyaasha tartanka UEFA Champions League.



Garsooraha dhaxe ayaa waxa ay FIFA siinaysaa $3,000 dollar wareegga hore ee group-yada, waxayna lacagtaasi kordhi doontaa marka la gaadho wareegga xiga ee 16ka, iyadoo isasii tari doonta illaa finalka oo ciyaarta ugu dambaysa garsooraha haya uu ku qaadan doono $10,000.Siidhiwalaha nasiibkiisu shaqeeyo ee si joogto ah maalin walba u shaqeeya, waxa lacagta uu xoogsanayaa ay gaadhi kartaa illaa $300,000 dollar.


Labada calan-wade ayaa waxa iyagana mid walba la siin doonaa $2,500 halkii ciyaar ee ay qabtaan, kuwa finalka shaqaynaynaya waxay heli doonaan min $5,000, iyadoo kuwooda sida xidhiidhka ah u shaqeeya maalin walba ay lacagta ay ka xoogsanayaan tartanku ay gaadhi karto illaa $150,000 dollar.

Lacagta La Siinayo Garsooreyaasha Koobka Adduunka Oo La Shaaciyey - Laacib

Loading...
Loading...