Korodh Ku Yimid Tirada Kiisaska COVID-19 Ee Waddanka Shiinaha
Saraakiisha Caafimaadka
Shiinaha ayaa Sabtida maanta ah sheegay, in Jimcihi shalay la diiwaangeliyay
ilaa 35,183 kiis oo la xiriira cudurka COVID-19, diiwaankaasi oo noqday kii ugu
badnaa saddexdi maalin ee lasoo dhaafay.
Ma jirto wax dhimasho
ah oo ay Waaxda Caafimaadku shaacisay, hase yeeshee magaalooyinka waaweeyn ayaa
la daalaa dhacaya tiro aad u badan oo uu soo ridanayo cudur-sidaha keena
xanuunka COVID-19.
Meelaha ugu badan ee
kiisaskan cusub laga soo calaamadeeyay ayaa waxaa ka mid ah magaalada koofureed
ee Guangzhou iyo magaalada koofurgalbeed dhacda ee Chongqing.
Cudurka COVID-19 ayaa
markiisii hore kasoo biloowday magaalada Wuahan ee bartamaha Shiinaha,
dhamaadki sannadki 2019-ki, kahor inta uusan ku faafin dunida inteeda kale.
VOA