Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sababta Ay Uga Jawaabi Wayday Ficilada Ka Dhanka Ah Ee Kenya

0
Friday June 14, 2019 - 19:08:18 in News by
  • Visits: 2572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sababta Ay Uga Jawaabi Wayday Ficilada Ka Dhanka Ah Ee Kenya

    Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sababta Ay Uga Jawaabi Wayday Ficilada Ka Dhanka Ah Ee Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sababta Ay Uga Jawaabi Wayday Ficilada Ka Dhanka Ah Ee Kenya


Muqdisho(HWN):-Tan iyo intii uu xoogaystay khilaafka xuduuda bada ee u dhaxeeya wadamada Kenya iyo Soomaaliya, dawlada Nairobi ayaa qaaday talaabooyin ka dhan ah xukuumada Muqdisho.



Dawlada Kenya ayaa talaabooyinka ugu waa weyn ee ay qaaday waxa ka mid ah inay xidhay xadkii dhulka ee ay la lahayd soomaaliya, in amaro dheeraad ah lagu soo rogay duulimaadyada u dhaxeeya soomaaliya iyo alaabta xamuulka ah iyo talaabooyin kale kuwaas oo ay dhamaantood dawlada Muqdisho kaga jawaabtay aamusnaan.

Image result for soomaaliya iyo kenya

Hadaba dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay sababta ay uga jawaabi wayday caqabadaha iyo amarada ka dhanka ah ee kaga imanaya dawlada Kenya.


Wasiirka waxbarashada soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare ayaa sheegay in dawlada Kenya ay cadhaysan tahay isla markaana ay Soomaaliya go’aansatay inaanay u jawaabin waxaanu yidhi "Wadankan Soomaaliya ayaa leh oo ka shaqaynaysa una fikiraysa, intaas wixii dheerna waa inaan dhibaato ku doonano cagaheen siyaasaduna kolba dhinac ayey aadaysaa, hada siyaasada Kenya iyo soomaaliya iskuma dhuun daloosho, walaalaheen Kenya kolba dhinac ayey dhagax iyo bir ku dhufanayaan anaguna aamusnaan ayaanu doorbidnay taas ayaanan wadaynaa.”


Wasiir Goodax oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey ilaa wakhtiga ay soomaaliya ku jiri doonta aamusnaanta ay kaga jawaabayso ficilada ka dhanka ah ee Kenya "Haddii ay xanaaqsan yihiin ilaa ay dagaan oo ay qaboobaan waa inaad walaalkaa I miyirisaa, anaguna siyaasad noocaas ah ayaanu ku dhaqmaynaa.”

Loading...
Loading...