Dagaaladda , Gaajadda, Iyo Qaxarka Dunida oo sii Socoda.

0
Saturday November 26, 2022 - 09:00:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaaladda , Gaajadda, Iyo Qaxarka Dunida oo sii Socoda.

    "Dagaallada iyo Colaadaha Ba'ani waa qaar soo jireyn ahaaba Waligood"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dagaallada iyo Colaadaha Ba'ani waa qaar soo jireyn ahaaba Waligood"


 


 

Germany(HWN) Waxa ay Bishan bilawgeedii  Tiradda Dadka dunidda Ku Nooli ay gaadhay Halkii Ugu sareysay tan iyo intuu Aduunku Bilaamay, Waxayna kor u dhaaftay 8Malyuun, Iyadooy taasi Jirto Haddana waxa garab socoda Is haysashada iyo Dhibaatooyinka ku Xeeran Had iyo goor , Wax badanaya Dagaalada iyo colaadaha Hadheeyey dunida, kaas oo hadba gees ka cusboonaanaya, Waxa sii yaraanaya Waxa Soo saarkii iyo Dalagii laga heli jirey Dhulka , Waxa ka jirta iyada Lafteedu Meelaha Qaar Roob yaraan iyo biyo la'aan Baahsan.

 

Aynu ku bilawnee,Dagaalada iyo Dhiiga ku Daata Dunidan Maalin walba , Xagga wali ay ka socodaan dagaaladu iyo sidey Dadku ugu noolyihiin Maalinlahooda.

 

Dagaallada iyo Colaadaha Ba'ani waa qaar soo jireyn ahaaba Waligood, Hase ahaatee Guulo ama Nabadeyn lagu soo Dhameyn Jirey Wakhtiyadii hore, Waxa jirey ergooyin iyo Nabad-Doono kala dhexdhexaadin jirey Dadka dagaalku uu dhexyaalo,

 

Hase Ahtee Laga soo bilaabo tan iyo ilaa Dagaalkii Labaad ee Aduunka , Wax soo baxaya In uu dagaalku noqodey , Xeeladd Ay adeegsadaan Qolooyin ka danleh haddaba meshii Ay rabbaan.

 

Waxa ayna ilaa maanta Colaaduhu Faro Ba'an ay ku hayaan, Waddamo Badan oo ku Kala Yaala, Aasiya, Afrika iyo Latin America, kuwaas oo ay u yihiin dagaaladu qaar ka mida Nololmalmoodkooda. Iyadoo aaney Jirin wax argagax iyo cabsiya. Halkan ka eeg 10ka dal ee uu dagaalku ka soo jirey iyo kuwuu imika Dhawaan ka bilaamay.

 

1:Kolumbiya: Ilaa 1964kii

2:chile(indigene milishaya) ilaa 2021

3:Mali(ilaa iyo 2012)

4:Somali( ilaa iyo 1991)

5:Yemen(ilaa iyo 2011)

6:Afganistan(ilaa Iyo 2001)

7:jamhuriyada D.Kongo(ilaa Iyo 2005)

8:Kamaruun(Ambazonien Ilaa Iyo 2018kii)

9:Nigeria(Boko Haram ilaa 2009)

10:Itoobiya( Tigrey ilaa 2020)

 

Dalalkan oo ilaa maanta ay colaaduhu ay ka socodaan, ayey haddana ay ka jiraan Abaaro iyo cunto La'aan , Biyo yaraan iyo Adeegii kale ee waxbarasho ama Aqooneyd ee ay umadu ku Horumaraysay.

 

Dhan kale hadii aynu ka eegno Dalalka ay aadka u sii kacayso Tiradoodu ,kuwaas oo Fiqiirnimadu ay tahay mid iska caadiya, dadkuna ay ku kala noolyihiin, Laba dabaqadood oo kala duwan, Dalalkan oo ku yaala Badankoodu Koonfurta Aasiya, ayaa aad looga dayrinayaa, Sidoo kale Waddamo ay ka Mid Yihiin, Koonfurta suudan, Somalia, iyo Siiriya.

 

828Malyan ayey ku Habsadeyn Abaarah iyo gaajadu, Tiradan ayaa ka dhigeysa 10kii qof ee dunida ku nooli in uu mid kamidi uu u dhimanto Gaajo Maalin walba.

 

Waxa kale oo Bilihii ugu Danbeyey Ka socoda Qaarada yurub dagaalo , kuwaas oo u dhexeeya Ruushka iyo Yukraa'in, Kaasoo isag laftigiisu sababey, in ay maceeshahaduhu ay aad uga kacaan Qaarada yurub, taas oo ay durubaba bilahaa yar gudaheeda ay isku badashey Nolasha malayiin qof oo yurub ku nool, Waxaa Sii Badanaya nacaybka iyo kalsooni daradda dadka lagu Kala beeray.

 

Ilaa 2030ka wax la filayaa in ay kor u sii kici doonto, Faqiirnimada iyo gaajada dunida Daafaheeda,kuwaas oo ay ku soo darsani doonaan waddamo badan oo qaaradda yurub ka mid ah.

 

Maxaa Sababey?

 

Dagaalo iyo guumeysi, colaado la kala dhexdhigey dadkii ku wadda noolaa waddan isku mida, Mukhaadaraad iyo Dano-gaara oo laga leeyahay Waddamada ay colaaduhu ay ka jiraan, dhinaca kalena loo diidinyahay Horumar iyo tartan dhinaca qaabka Nolasha Ah.

 

Gaajada iyo Faqiirnimada , waxa sababa Aqoon la'aan iyo hourmar La'aan laga gaadho dhinac nolasha, taas nolasha aadamuhu ku ilbaxdo hore'na ay ugu waddan in ay keento, Maskaxo cusub iyo fikiro ka badan kuwa ay keenaan dadka kale ee ay kula noolyihiin dunida, waata maanta dalalka horeumaray ay kala badashan iyagoo kaashanaya Aqoon iyo dhaxal awoodeed, Waxa ay u Sameyaan nolasha dadkooda in ay shaqeyaan , wixii iyo sidii ay ku noolanayaana aya dawladu ay ka Masuul Tahay, waxa jira dalal badan oo ay dadka nolashoodu aad u liitato , Goor iyo ayaana u shaqeeya sidii qof Abidkii noolanaya, taaso oo dhaqaalaha ka soo baxa aya dawladu ku Maal-galiso Danaha gaarka ah ee waddanka iyo sidii uu dalkaasi u ahaan lahaa mid ay lacagtiisa iyo Dadkiisuba ay dunida kale sharaf iyo maamus ay ku leeyihiin

 

Haddaba waxa is weydiin mudan, hadii uu Dagaal hadheeyo meelaha qaar, Sidee loo qiimeyn Dalkaa iyo dadkaasba.

 

waa Mid aad u adag Run ahaantii , Laakiin Tusaale ahaan Riwanda wuxuu ahaa dal soomarey Dagaal sokeeye kii ugu Yaabka badana Dunid, kaas oo lagu badhtilmamsneyey Dadka Tirada yare ee dalkaas ku noolaa, Haseyeeshee Ay  Yihiin dal iyo dad la aqbalo oo horumar ka gaadhey Nolasha Dhan walba, Dhinaca dhaqaalaha , horumarka Waxbarashada, warshadaha.

 

Hal-Qoraal xaqiiqdii laguma soo koobi karo, Sida ay dunidu ugu sii socoto gabagabo iyo qalalaaso maalin walba taagan, taaso oo waliba laga shaqeeyo dalal nabada iyo horumarka gaadhey in la baa'biyo oo dhulka lalasimo, Ha ugu badanaadan kuwa Islaamka ahiyee,

 

 

Guled Mahad, Germany

Hadhwanaagnews.com


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...