Guuldaradii Jarmalka, Oo Xanuun Ku Reebtay Dadkoodda

0
Saturday November 26, 2022 - 08:45:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuldaradii Jarmalka, Oo Xanuun Ku Reebtay Dadkoodda

    "Waxa iyaduna Garoonka ka dhexmuuqatey Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Jarmalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa iyaduna Garoonka ka dhexmuuqatey Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Jarmalka"



 

Jarmalka waxa soo gaadhay  guuldaro laga wada Dareemay Dalka Jarmalka xulkooda ay ku Naaneysaan(Die Mannschaft) Kuwaas Oo lagu  tirineyey Xulalka looga Baqayo, In ay ku guulaysan Karaan Koobkan aduunka Ee ka socoda Dalka Qadar sanadkan, Laakiin wax hor istaagtey Xulka Qaranka Dalka Japan oo ciyaar lama Filaan Ahey la soo galley Qaybtii danbee ee ciyaarta.

Dadka khibrada u leh ciyaaraha kubbada cagta ee aadka uga faalloodaa, ay aad ugu amaaney Tababarhooda siduu shaxada qaybtii danbe u Baddaley, Taas oo guul ku hogaamisey Xulka Japan.

 

Hase ahaatee waxay dalka jarmalka iyo saxaafadiisu ay aad uga Hadlayeen Qaabka siyaasadeysan ee ay qadar uga soo Horjeedan in waddankeeda lagu qabto Koobkan, Waxayna aad u Sahaadalineyeyn In xulkoodu uu ka guuleysan doono Waddanka Japan, Sababto ah waxay haystaa Ciyaartooy Heersare Ah, Kuwaasoona ka kala ciyaara Kooxo Waaweyn ee Dalalka yurub ka  Dhisan.

 

Waxa iyaduna Garoonka ka dhexmuuqatey Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Jarmalka oo Xidhan Gacantii Laga Mabnuucey inuu kabtankoodu Gacanta Ku Xidho, "Waxayna tiri" waxaan  Muujineyaa Caddalad darada Ay qadar dadku ku hayso, Waxa anan  Ka soo hore-jeedaa In laga aqabali waayo Dalkan waxayaabo badan oo Reer Galbeedku Ogolyihiin.

 

Haddaba Waxa Jirtay in intaaney Ciyaartu Bilaamin Lafteedu in Xulka jarmalku ay Dhamaan Afka gacanta Saareyn, Haseyeeshee Dhamaan waxay muujineyeen ay Noqotay Halbacaad lagu lisey, Taas oo ay qaar ka mida Dadka Jarmalku ay ku canaanteyn Xulkooda in ay Aheyd kaliya in ay xil-iska saaraan sidii ay u badani Laheyn koobkan ka socoda Waddanka Qadar iyo Ciyaartooda Ugu horeysay .

 

Dad baddan oo khibrad u leh kubadda Cagta iyo waliba siyaasada, ayaa ka Haddley in ay tahay in dadweynaha Jarmalku iyo xulkooduba ay Miisaanka saarraan Ciyaaraha iyo dhinaca tartanka, Jarmalku wuxuu ciyaarta Danbe la Ciyaari doonaa Xulka Dalka Spain oo Ciyaartiisii ugu Horeysay Wacaddaro ka Muujieye ,Iyagoo 7Gool Kaga Badiyey Xulka Dalka Costa Rica..

 

 

Guled Mahad , Germay

Hadhwanaagnews.com

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...