Booliska Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Magaalada Hargaysa

0
Friday November 25, 2022 - 21:43:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Magaalada Hargaysa

    "Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro…"



Ciidanka Booliska JSL  ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay  Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah.

 

Eedaysanahan ayaa ku  eedaysan inuu ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa.

 

Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya.

 

Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood  ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.

 

Alle Mahad leh

Xafiiska Warbaahinta

Ciidanka Booliska JSL


Loading...
Loading...