Mucaarid Ku Shiraya Nairobi Iyo Dawlada Soomaaliya Oo Ka Gubatay

0
Friday June 14, 2019 - 18:52:48 in News by
  • Visits: 1994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaarid Ku Shiraya Nairobi Iyo Dawlada Soomaaliya Oo Ka Gubatay

    Mucaarid Ku Shiraya Nairobi Iyo Dawlada Soomaaliya Oo Ka Gubatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaarid Ku Shiraya Nairobi Iyo Dawlada Soomaaliya Oo Ka Gubatay


Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa shaacisay inaanay raali ka ahayn shirar magaalada Nairobi uga socda hogaamiyeyaasha maamulada, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo mucaarid ku ah dawlada soomaaliya.



Madaxweyneyaasha Juboland, Galmudug iyo xubno iskugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo mucaarid ku ah xukuumada soomaaliya ayaa shirar ku yeelanaya magaalada Nairobi, iyada oo la filayo in madaxweynaha Puntland-na uu ku biiri doono.

Goodax

Wasiirka waxbarashada dawlada federaalka ah ee soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare ayaa mar uu khudbad ka jeedinayey magaalada Baardheere waxa uu ka hadlay aragtida ay dawladu ka qabto shirarka mucaaridka ee Nairobi waxaanu yidhi "Dawlad ahaan way na dhibaysaa marka aanu aragno maamul goboleedyadii oo ku shiraya ninkii budhka noo haystay gurigiisa, meel ay ku shiraan may waayin ee taasi way na dhibaysaa laakiin wax aanu kor u qaadayno maaha.”


Wasiir Goodax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Mar ayuu iyagana caqligoodu u soo bixi doonaa oo ay gurigooda ku qabsan doonaan hawshooda, boqol meelood oo wanaagsan ayey ku shiri karaan sababta ay meeshaas ugu shireena waa qaab daro.”ayuu yidhi wasiir Goodax.


Mucaaridka ka soo horjeeda dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa marar badan ku shiray wadanka Kenya iyaga oo kulankii ugu dambeeyey ee ay ku yeesheena ka soo saaray war murtiyeed ay dhaliilo baahsan ugu soo jeediyeen dawlad.

Loading...
Loading...