Waa Sidee Xaaladda Dhaawaca Ciyaaryahan Neymar?

0
Friday November 25, 2022 - 10:10:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaaladda Dhaawaca Ciyaaryahan Neymar?

    "Brazil ayaa semi-finalka kusoo reebayy xulka Germany oo 7-1 ku garaacday"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Brazil ayaa semi-finalka kusoo reebayy xulka Germany oo 7-1 ku garaacday"



Ciyaaryahan Neymar oo barooranaya ayaa soo fariistay kursiga keydka, kadib markii laga saaray ciyaartiiy xulkiisa Brazil ay 2-0 kaga badiyeen xulka Serbia.

 

Dhaqtarka kooxda Brazil, Rodrigo Lasmar, ayaa sheegay in Neymar uu ka dhaawacmay aanqowga lugta midig, wuxuuna intaas ku daray inay qiimeyn ku sameynayaan inta uu la'egyahay dhaawiciisu.

 

Tababaraha xulka qaranka Brazil Tite ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Neymar uu sii wadi doono ciyaaraha Koobka Aduunka, laakiin dhaqtar Lasmar ayaa sheegay inay degdeg tahay in laga hadlo inta uu la egyahay dhaawaca ciyaaryahankan.

 

Neymar oo sagaal jeer la jalfiyay kulankii Serbia, ayaa dhaawac soo gaaray qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana la bedelay daqiiqaddii 79aad.

 

Neymar ayaa sidoo kale ku dhaawacmay koobkii adduunka ee 2014, kaas oo ka dhacay waddankiia Brazil, waxaana tartankiisa uu ku dhamaaday dhaawac dhabarka ah oo kasoo gaaray ciyaartii wareega 8-da ee ay la ciyaareen wadddanka Colombia.

 

Brazil ayaa semi-finalka kusoo reebayy xulka Germany oo 7-1 ku garaacday.

 

Neymar, oo 30-jir ah ayaan weli koob weyn kula guuleysan xulka Brazil, marka laga reebo inuu ka caawiyay qaranka lagu neynaaso "Seleção" inay ku guuleystaan 2013 koobkii Confederations Cup.

 

VOA


Loading...
Loading...