Siyaasi Isbarbardhig Ku Sameeyay Xaaladaha Somaliya Iyo Somaliland Kukala Jiraan Xiligan
Hargaysa (HWN) Siyaasi
halgamaa Cali Guray ayaa ka hadlay xaaladaha ay haatan kukala jiraan Somaliya
iyo Somaliland.
Siyaasiga ayaa sheegay in
Somaliya ay korodhay miisaaniyadeedu oo faraq wayni udhaxeeyo miisaaniyadii
Sanadkii hore iyo miiisaaniyada sanadkan, halka Somaliland aanay jirin farqi
wayn oo udhaxeeya miisaaniyada labadan sanno ee udambeeyay.
Sidoo kale Siyaasi Cali
ayaa xusay in Somaliya ujahaysatay jidka horumarka halka Somaliland ay khilaaf
culus caga kula jirto.
Siyaasiga ayaa sidaasi
ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-
2023: SOMALIYA IYO
SOMALILAND
Sida laga soo
xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay
miisaaniyad sanadeedka Dawladda Federaalka Somalia 2023 ayaa lagu qiyaasay in
ay noqon doonto ku dhawaad hal bilyan oo doolar (967.7 milyan) halka ay
sanadkan 2022 ka ahayd (918 milyan).
70% dakhliga
miisaaniyada oo u dhiganta (665.1) waxa bixinaya qaadhaan bixiyayaal caalami ah
(Doners). Taas oo ah labajibaar intii ay sanadkan ka heshay.
Dakhliga cashuurta oo
2022 dhamayd 247 milayan ayaa la filayaa in 2023 ay kor ugu kici doonto (283.3
milyan). Sida ka muuqata dakhliga cashuurtu waa Muqdisho oo keliya
hadii lagu daro Maamul
gobaleedyada waxa laga yaabaa in isku celcelin min 100,000,000$ ama ka badan.
Sidaa daraadeed miisaaniyadda Dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu waxay
gaadhi kartaa qiyaastii 1.5 bilyan.
Somaliland
miisaaniyaddii 2022 iyo ku talogalka 2023 wax badan isma dheera oo waxay
labaduna cagocagaynayaan qiyaastii 500,000,000$. Iyadoo ay sidaa kala yihiin hadana Somalia waxa u beryay
waa cusub oo waxa la soo afjaray khilaafkii doorashooyinka.Waxa diyaar loo
yahay waa in loo jeedsado waxqabad iyo horumar dhan kastaba ah. muddo ugu yaraan afar sanadood ah.
Dhinaca kale Somaliland
oo haddaba dhiiqo lugaha kula jirta khilaafka ragaadiyay awgii ayay suurogal
tahay in Muuse Biixi aanu rabin in xataa 2023 ay wax doorasho ahi ka qabsoonto
Somaliland, iska daa sagaalka bilood ee Komishanku sheegay in ay doorashada
madaxtooyada ku qaban karaan eh. Markaa Muuse waxa uu damacsan yahay maradiisa umuu sheegin mana jirto cid rasmi ahaan
waxa ka og halka uu u socdo iyo waxa uu doonayo xataa xwasiirada xukuumadiisa
iyo xubnaha hogaanka sare ee xisbigiisana ku dhehoo.
Sidaa daraadeed 2023
hadii aan xal loo helin khilaafka aynu
og nahay heerka uu hadaba joogo dabcan way ka sii dari kartaa xaaladda dalku
hadii aan xal degdeg ah inta ay goori goor tahay la helin. ka sii dari Muuse Biixina xal ma ogola, hadii uu ogol
yahay heerkan la islama soo gaadheen. Waxaynu og nahay dadaal kasta oo la
sameeyay iyo xal kasta oo suurogal noqon karayayba in labada xisbi ee
mucaaridku ay mar walba ahaayeen dhinaca tanaasulayay ee aqbalayay, halka Muuse
mar walba ahaa ka ku gacan saydhayay.
Sidaa daraadeed
khilfkan doorashooyinku wuu ka gudbi doonaa heerka uu hadda joogo Muusana waxa
ka go’an in tiisa uu qasab ku meelmarsado xalka keliya uu miciinsanayaana waa
"xadhig iyo xabbad”in uu ku muquuniyo mucaaridka waa sida uu u fakarayo eh.
Xukuumadda Muuse wax
taageero ah ama kaalmo ah kama heli doonto bulshada caalamka, miisaaniyadda
kooban uu maamulaana kuma filaan karto xataa hawlgaladiisa xadhig iyo xabbadda
oo kelya. Waxa suurtogal ah wax kale daaye in xukuumadiisu ay bixin kari waydo
mushaharka shaqaalaha. Sidaa daraadeed halka ay ku socoto waa in ama Somaliland
la waayo ama Muuse Biixi la waayo hadii aan si dhakhso ah loo soo afjarin
khilaafkan doorashooyinka