Maxbuus Hore Oo Loo Dhaariyey Ra'iisul Wasaaraha Malaysia
Hoggaamiyaha mucaaradka
Malaysia Anwar Ibrahim ayaa maanta boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul
wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed
ah.
Xafladda dhaarinta oo
ka dhacday caasimadda Kuala Lumpur ayaa soo afjartay mid ka mid ah
doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii
xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan
iyo xoriyaddii 1957.
Qabsashada Anwar ee
xilka ra’iisul wasaaraha ayaa buuxisay nolol siyaasadeed oo kaliya aan gayn
halka ugu sarreysa awoodda dalka, balse sidoo kale dhigtay xabsi.
Taageerayaasha Anwar
ayaa ku dabaal-degayey caasimadda Kuala Lumpur.
Isaga oo ku ololeeyey
farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan
Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka
toddobaadkan, wuxuuna helay 82 kursi.
Hase yeeshee, wuxuu aad
uga hoos maraya tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112.
Si looga gudbo is-mari
waaga, boqorka ayaa u yeeray Anwar iyo ra’iisul wasaarihii hore Muhyiddin
Yassin oo xisbigiisa Perikatan Nasional uu kaalinta labaad ku galay 73 kursi.
Hase yeeshee heshiis waa ay gaari waayeen.
Boqorka ayaa kadib
kulan gaar ah la yeeshay xubnaha kale ee boqortooyada kahor inta aan lagu
dhowaaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha.
Xilka ra’iisul
wasaaraha ayaa Anwar, oo 75 jir ah, u ah dhammaadka 25 sano oo safar dheer ah.
Waxaa markii ugu horreysay
la filayey inuu xilka qabto dhammaadkii sagaashamaadka, kadib markii uu
wasiirka maaliyadda usoo noqday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad.
Hase yeeshee, labadooda
ayaa isugu dhacay sida loo maareyn lahaa xasaraaddii dhaqaale ee Asia ee
1997-1998.
Mahathir ayaa kadib
xilka ka qaaday Anwar, oo sidoo kale laga cayriyey xisbigooda xilligaas ee
UMNO, waxaana lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo galmada qoomo luudka --
eedeymahaas oo Anwar uu sheegay inay ahaayeen kuwo siyaasadeysan.
Anwar ayaa waxaa lix
sano oo xabsi ah loogu xukumay musuq-maasuq 1999, ayada oo sagaal sano oo
kalena loogu xukumay eedeymaha galmada, sanadkii xigay.
Maxkamadda Sare ee
Malaysia ayaa 2004 baabi’isay xukunkii galmada ee lagu riday Anwar, waxayna
amartay in lasii daayo.
VOA