Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ayaa Xabsiga Mandheera Ku Booqday Dhalinyaro Dhawaan Burco Laga Soo Xidhay

0
Thursday November 24, 2022 - 14:36:31 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Xisbiga Wadani Ayaa Xabsiga Mandheera Ku Booqday Dhalinyaro Dhawaan Burco Laga Soo Xidhay

    Waxa aannu xog-wareysannay dhalinyaradaa yar yar xaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aannu xog-wareysannay dhalinyaradaa yar yar xaaladda



Waxa aannu maanta booqasho ku tagnay Xabsiga Mandheera oo ay ku xidhan yihiin dhalinyaro aad u yaryar oo laga soo wada xidhay Magaalada Burco, oo ay tiradoodu gaadhayso 62 oo ah Ubixii waddankeenna laguna soo xidhay sifo gurracan oo sharci-darro ah isla markaana baal-marsan xeerarka iyo qawaaniinta inoo yaalla oo ay ku tumanayso Xukuumaddan wakhtigeedu dhammaaday.



Waxa aannu xog-wareysannay dhalinyaradaa yar yar xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin ee xuquuqdoodii iyo xorriyadoodiiba laga soo qaaday lagana soo fogeeyey waalidkood, ehelkoodii iyo asxaabtoodiiba, taas oo ka mid ah dhibaatooyinka lagu hayo da'yarta dalka u soo kacaysa ee ay cabudhinta iyo caga-jugleyntuna u sii dheertahay.


Dhalinyaradaa yaryari, qaar ka mid ah xaaladdooda caafimaad ma wanaagsanyn, qaarna dhakhtaariita ayay ku xidhan yihiin, waa ayaan darro iyo foolxumo qaran in da'yarta sidaa loola dhaqmo, waxa aan ugu baaqeynnaa Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday in dhalinyaraas sifada sharci darrada ku xidhan ay helaan xorriyadooda.
Loading...
Loading...