MAXAAN U JECLAHAY HADRAAWI?

0
Thursday November 24, 2022 - 14:06:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAN U JECLAHAY HADRAAWI?

    · Afgaabnida iyo urursanaanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

· Afgaabnida iyo urursanaanta


"xusuus baa geela lagu xera geeyaa" sida hore ba loo yiri—murtidaas macnaha weyn leh, ayaa dib iigu celineysa waayeheygii keynta iyo kadeedkii geel-jirnimada ee aan ku soo kacaamay. Waa dhowr iyo toban sanadood ka hor, qiyaastii 2004tii.

Carruurtii waagaas dhalatay, qaar baa dhowr da’aad dunida ku damaashaadinaya; qaar kale na waayaha ayaa wajiga u kaduudaya. Qaar waa ay is weysanyihiin, qaarna hurdada la ga ma soo kiciyo. Waa yeelkadood, waqtiga na yeelkadiis. laakiin sidaas uma foga, haddana uma dhowa; kolba waa qofkii eega iyo halbeegga uu adeegsado.


Hillaaddaas ayay ahayd markii iigu horreysay ee aan maqlo, magaca abwaan Hadraawi, iigu ma se dambeyn. Galab ay Cadceeddu dheertahay; balse madowga dhirta suus ku deday, ayaa ay aheyd. Laba canjaladood oo ay ku kala duuban yihiin heesaha: 

Beledweyn iyo Suleekha, sida ay u kala horreeyaan, ayaa Xamar na looga keenay. Geed weyn oo Bilcil ah oo dherer iyo dhumuc leh, dhankiisa galbeed ayaana dhambashu noo fidsanayd—halkaas oo aan dusha kala soconnay, dhowr halaad oo daaqayay dooxada weyn ee Abeesaale.

Waxa aan ahayn: aniga, aabbe iyo adeerkeey, oo isagu canjeladaha noo keenay. Shaah-cabaal gadaashiis, giraantii Beledweyn ayaa Rikoorka lagu riday, casiriyihiina dhegta ayaa la gu wada dhegay. 

Ha lagu rido oo ha lagu dhegee, saddaxdeenniiba samada ayaannu ka wada lalnay, sidii wax ruuxaan qaba. Malahayga waaba qabnay?! waayo? dhulka waa ka wada duulnay, cirkana waannu iska wada weynnay. Galab sidaas ah oo doog iyo daruuraba leh, ayaa ay aheyd.

Si walbaba ha noqotee, ereyada heesta ayaa adeer iyo aabbe wax iska weydiiyeen. Dabcan, Hadraawi qudhiisa ayaa allifay. 

Dooddoodaas ayaan ka dhex-helay magaca abwaanka, sidaas ayuu na ugu biiray keydkayga magacyada. 

Weliba kuwooda waaweyn, ee aan aadka u doondoonayo, ayuu safka hore ka galay. Waxaa intaas dheer, maaddaamma aan miyi ku noolaa, oo aanan weligeey magaal tegin, sida qofkaasi u ekaan karo, ayaan is weydiiyay—waa Hadraawiye—waxuu se ila noqday, nin dheer oo haddana dheer sida Xuseen Bisad oo laftiisa dib ka bartay.

 

Markii aan Xamar soo galay, 2011kii, ayaa aan magiciisa dadka weydiiyay, fannaan ayaase la iigu sheegay, dadka qaarna abwaan. Waxa aan tegay meel lagu iibiyo heesaha iyo gabayada.

 Taleefoon Shiineys ah ayaan ka soo dhaansaday wax-qabadkiisii, inta aan heli karay. Si gaar ah, silsiladdii Siinleey iyo dhowr heesood oo kale ayaan soo iibsaday. Si kastoo aan u dhegeysan jirayna, sadar keli ah waa ka fahmi waayay.

 

Toddoba jeer iyo ka sii badan, ayaan dhegeystay Silsiladda kor ku sheeggan ee Siinleey, waxba se kama aanan garan. Sababta aan u fahmi waayay, qudheydu waa aan is weydiiyay. 

Mar waa arrinka laga hadlayay oo Sarbeeb ahaa, marna waa ereyada la adeegsaday oo aad iigu cuslaa, qof walba oo suugaanta horjeed ku ahna ku adag. 

Labadaas arrimood, ayaa ugu wacnaa, dareen-gudeedkeyga suugaaneedna si xun ugu lid ahaa. Intaas marka aan imaanno, waxa aan xusuustaa yar la oran jirnay Axmed oo Daabuurka nooga marin jiray maansooyinka iyo sheekada Siinleyda. 

Yarkaas, waxa aan u bixinnay Axmad-Siinleey, runtii na waa aan la la helay. Sida dhabta ah, fahankeygii silsiladdaas, ayuu Axmad soo dhoweeyay—taas oo keentay in aan hanqalka u sii taago, badweyn suugaaneed oo Siinleey ka shisheeysay iyo mid ka soo sokeysayba.

Wixii intaas ka dambeeyay, rafiiq ayaan la noqday suugaanta Hadraawi, mar walbana maansadiisu wax weyn ayay igu kordhin jirtay. Sidaas oo kale, dareen gaar ah ayay igu beeri jiray, sida ay haddaba iigu abuurto. 

Sida dhabta ah, ma jirto maanso uu leeyahay, oo aanan soddon jeer dhegeysan; nasiib-xumadeyda se, wax ba kama aanan xafidin. Taasi waxa ay caddeynaysaa, in aan weli u baahi qabo. 

Haddii ba laga baahi beelayo. Sideedaba, suugaanta u jeeddada, farshaxanka iyo ereyada ba loo gu hagar baxo, khiyaalna lagu shaqlo, sinnaba loo gama xiisa-gooyo, si walboo ay duug u tahayna la gama gayoodo, tan Hadraawi na waa nuucaas.

 

Toddoba ilaa siddeed sanadood, ayuu Hadraawi ii ahaa bogga kowaad, labaad iyo kan saddaxaad ee laga soo rogo Suugaanta Soomaalida, ilaa aan mar dambe figta gaaray, oo aan raggii kale ee hooballada iyo hal-abuurka ahaaba, qunyar qunyar feylashoodii u furay. 

Si kale haddii aan u dhigo, Suugaanta Hadraawi waa halka aan ka soo galay Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, waana malkada ugu weyn ee igu soo xirtay jaadadka kale ee suugaaneed. 

Waqti intaas la eg, ee aan si hoose ugu jiray baddaas, iga ma uusan khasaarin—waayo? Waxa uu iiga dhiganyahay, Jaamacad ilaa heer MASTER DEGREE oo aan ku sameeyay Afka, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Sidaas awgeed guul weyn ayaan u arkaa, taas oo ay tahay in aan u dabbaal-dego.

Jaamacaddaas, keli ah kuma baran Suugaan, Af iyo Dhaqan, ee wax badan oo kale ayaan ka abdeystay. Barbaarin qofnimo, oo aanan dugsiyada iyo Jaamacadaha ka helin ayaan ka helay. 

Garaad-furnaan iyo qota-dheeri dhanka fikirka ah ayaan runtii ka helay, taas oo keentay, in aan maqaalkan abaal-celinta ah iska reebo. Waa sidaas, oo qofkaadan abaalkiisa celi karin, afar boqol oo geed ayaa laga sheegaa. Gobannimadu waa sidaas.

Manhaj weyn oo nololeed, ayuu Hadraawi farta iga saaray, cashirro waaweynna si la yaab leh ayuu iigu dhigay, waana sababta aan u jeclahay; in ka badan nafteyda. Kolka laga yimaado basharnimadiisa dhabta ah ee ku dayashada leh, waxa aan ka bartay:


· Run-sheegnimada

· Dhiirranaanta


· Afgaabnida iyo urursanaanta


· Isu-hanweynaanta

· Dad-la-dhaqanka

· Hanti-yareysiga

· Dulmi-diidnimada

· Indha-dheeraanta

· Iyo u naf-huridda xaqa.


Intaas oo kali ah ma ahane, sidoo kale waxa aan ka bartay in dadka la ixtiraamo, haddii ay xad-gudbaanna la qabto, qabasho adag oo ay ku sal-dhigaan. Intaas marka la ga soo tago, suugaantiisa waxa aan ugu jeclahay: Dabahuwan. Waxa aan ka jeclahay Fido. 

Dhulgariir ayaan ka sii jeclahay. Saxarla’ ayaan ka sii jeclahay. Hambaabbir ayaan ka jeclahay. Hablaha Geeska Afrika ayaan intaba ka jeclahay. Hoobal…. Hal-abuur..Hud-hud..Haatuf..Af-ku-siran ayaan ka wada jeclahay. Waxa uu tiriyay oo dhanba waan jeclahay.

 

 

Ugu dambeyntii, muddo ayaa haatan la joogo Alleysigiisii, haddana meel uun baa iska keey xanuunta marka foolkiisa xusuus ahaan la ii hor-keeno. Xubnaha qaarkood ayaa i lusha, sida laan dabayshu aad u ruxeyso. Qof walba oo kugu weynna, waa sunno in jirkaagu u dubaaxiyo.


Toddobaad ka dib iillashadiisii, ayaan aan u galay arday dhigata fasalka labaad ee Dugsiga Sare. Waxa aan siinayay cashir ku saabsan WAAYIHII HADRAAWI, kaas oo ku qoran maaddada AfSoomaaliga ee isla fasalkaas. Markii ay xiisaddu iga idlaatay, ayaa ardada qaarkood i weydiiyeen xiriirka iga la dhexeeya abwaanka, ka ma se aanan jawaabin. 

Waayo? ma heysan waqti aan ku bixiyo, jawaab faahfaahsan oo iyaga ku filan, qudheyduna aan ku nafiso. Sida aan is iri, foolkeyga ayay murugo ugu muuqatay. Sidaasba u badi, haddii ay noqoneyso.

Horaa loo yiri, "lixdan jirka Afrikaanka ah ee geeriyooda waxaa uu la mid yahay maktabad weyn oo gubatay”. Balse, god-galkii abwaan Maxammed Ibraahin Warsame waxa uu ka dhiganyahay, boqol maktabood oo dab qabsaday; dabadeedna wada basbeelay, boqol kun oo buugna ku dhex-madoobaadeen.

 

Cabdisalaan-Ceeryaamo

Muqdisho, Soomaaliya
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...