MADAXWEYNE BIIXI: LA JIIFIYAANA BANNAAN, LA JOOJIYAANA BANNAAN

0
Thursday November 24, 2022 - 10:10:09 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE BIIXI: LA JIIFIYAANA BANNAAN, LA JOOJIYAANA BANNAAN

    Md. Biixi wuxuu u shaxay inuu rido taariikhda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Md. Biixi wuxuu u shaxay inuu rido taariikhda

Waxa beryahan dambe hadal-haynta bulshada Soomaalida ku soo noq-noqotay su'aal ah: maxay salka ku haysaa muranka siyaasadeeed ee murgay ee Somaliland (SL) maanta ka jiraa? Jawaabta su'aashaas waxaa laga heli karaa warqaddii mudane (md) madaxweyne Biixi ku soo celiyey baarlamanka uu ku diiday saxeexa iyo dhaqan-gelinta xeer lambar 14/2021.https://fb.watch/g_6WvriZRR/



Warqaddaas oo ku suntanayd taariikhda baarlmankana laga hor akhriyey 21/08/2021. Xeer lamb. 14/2021 waxa uu fasaxayey furista ururada siyaasadda iyo qabashada doorasho ay ku soo baxaan xisbiyo ruqsad cusub haystaa.


Warqaddaas oo aad u dheerayd wuxuu md. Biixi ku nuux-nuuxsaday sababaha uu ku diiday dhaqan-gelinta xeerka lamb. 14/2021; oo ay ugu horayso in dhaqan-gelintiisu toos uga hor-imanayso taariikhda loo qoondeeyey doorashada madaxtooyada (13/11/2022) oo dastuuri ah, kana mudan doorasho ku soo baxday xeer baarlaman.


Waxa kale oo warqaddu intaas ku dartay in taariikhda furista ururada siyaasadda ee xeer lamb. 14/2021 - 6 bilood ka hor inta aysan dhicin ruqsadda xisbiyada haddajiraa - ka hor-imanayso taariikhda loo qoondeeyey doorashada Guurtida. Waxa kale oo warqadda md. Biixi tilmaantay in xeerka lamb. 14/2021 qodobkiisa 10aad uu xusayo in ururka siyaasadeed ee xisbi noqonayaa helo 20% codadka gobollada, taasoo ka soo horjeeda "Xeerka Doorashooyinka Guud", qodobkiisa 80aad oo dhigaya in doorashada ururada liisanka xisbinnimo qaadanyaaay ka dhacdo heer degmo.


Haddana horraamihii sannadkii 2022 ayuun baa la arkay md. Biixi oo si xoogggan, gabbasho lahayn, u riixaya, farayana hay'adaha dawladda in tartankii ururada siyaasadd/xisbiyada la furo, lana dardar-geliyo. 3dii bisha Janaayo 2022, ayey xildhibaano xisbiga Kulmiye ka tirsani dacwad geeyeen maxkamadda sare, iyagoo ku andacoonaya hirgelinta xeer 14/2021. Jawaabtii maxakammaddu waxay noqotay in arrinkaasi yahay shaqo baarlamanka u taal, kol, haddii madaxweynuhu soo celiyey deer lamb. 14/2021.


Bishii May 2022 waxa baarlamanku ansixiyey xubnaha guddida diiwaan-gelinta; oo 14/08/2022 ku dhawaaqay inay diiwaan geliyeen 15 urur-siyaasadeed. Md Biixi waxa uu fagaarayaal badan kaga khudbeeyey doorashada xisbiyada siyaasadda inay dhici doonto dabayaaqada bisha Disamabar 2022, sida dardaarankii uu siiyey guddida cusub ee doorashooyinka qaranka iyo Khudabaddii madaxweynaha ee sannad-laha ee bishii May 2022, oo uu md. Biixi ku goodiyey in lagu biyo-cabbo doorashada ururada/xisbiyada.Laakiin ilaa hadda looma hayo xeerkii iyo hannaanka ay doorasho ku geli lahaayeen.Cajiib.


Mucaaridka oo arrimuhu sida ay u socdaan ka biyo-diiday, liqina kari waayey, marinkii siyaasadduna isku soo ooday, ayaa miciin biday banana-bax bishii Ogost 11keedii 2022, halkaas oo ay ka dhasheen dhimashada ilaa 7 qof iyo dhaawac badan, ka dib markii ciidamadu u adeegasadeen rasaas nool, dad tiro badana xabsiyada loo taxaabay. Md Biixi oo dhacdaada ka fal-celiyey wuxu u nisbeeyey in xisbiga Waddani gacanta loo geliyey "Xirsi Cali X Xasan” oo aan meelna u soo marin, dadkii ku tabcay xisbigana isaga dartii uga tegeen. Weedhaas oo dadweynaha ku noqotay af-kala-qaad.


Halkaas waxa ku fur-furantay masaladii jawaabata loo la’aa: maxaa md. Biixi uga daba yimi warqadii uu ku diiday dhaqan-gelinta xeer lamb. 14/2021, Ilayn waayeel qawl la dhacay waa geed qolofi ka dhacadaye, madaxweyne-na hadalkiisaba daa? Jawaabtii masaladu waxay noqotay: waxa md. Biixi maankiisa beddelay doorashadii "Xirsi Cali X. Xasan” loogu doortay guddoomiyaha Waddani bishii Nofembar 2022; hadlakaas oo u marag kacay xantii siyaasadda ee awalba suuqa ku jirtay. Md. Biixii iyo guddoomiye Xirsi waxay hore aad isugu colaysteen Xisbiga Kulmiye dhexdiisa; hiirtaanyadiina weli madaxweynaha kama hadhin. Talow,ma xintan baa bulshada gedaanka loo saarayaa!


Arrinka muranka siyaasadeed waxa galay madax -dhaqameedka Somaliland oo gobollada oodhan isaga yimi, laakiin nasiib darro faro-madhan ayey md. Biixi kala soo noqdeen. Waxa kale oo iyana arrinka galay ganacsatada oo soo jeediyey in la isku sidko doorashada madaxtooyada iyo ta ururada, baarlamankuna ka hawlgalo sharciyeynteeda, laakiin md. Biixi ma garawsan. 19 kii bishii Sebtembar 2022 ayuu golaha wakiilada SL ansixiyeen soo jeedintii ganacsatada, kaabisna ku sameeyeen xeerka Doorashada Guud. Taasina uma qudh-qudhsamin md. Biixi. Mar walba mowqifka Biixi waa sharciga ayaan raacayaa.


24kii bishii Sebtember ayey guddida doorashooyinka ee cusbaa ku dhawaaqeen inay sagaal bolood gudahood ku qaban karaan doorashada keliya ee suuragalka ah: doorashada madaxtooyada. Hadda xasuuso in toddobada xubnood ee guddidaas ka kooban yahay, 5 ka mid ahi ay ka socdaan dhankiisa (muxaafid). Haddana, mar kale, dhegeey jalaq, iyo sharciyaddaan ka xigaa. Maalmo ka dibna beesha caalamaka ayaa ugu baaqday md.Biixi inuu qabto doorasho la isku wada raacsan yahay. Haddana, sidii oo kale iyo sharciga ayaan raacaya.


Md. Biixi wuxuu u shaxay inuu rido taariikhda kasta oo ku astaysan geedi-socodka doorashada, muddo dhaafiyana, laga soo bilaabo markii uu kala diray guddida doorashooyinka bishii May 2022.


Haddaba gorfayntaa dheer ka dib, gunaandku laba-labays ma leh: xeerkii lamb. 14/2021 ee uu md. Biixi ku soo celiyey baarlamanka, haddana ka daba yimi, waxay ka dhigan tahay halqabsiga laga reebay boqorkii xeerka iyo damaciisu isku mid ahaayeen ee yidhi: la joojiyaana bannaan, la jiifiyaana bannaan. Sharciyadda Muuse sheegaa waa taas.


Sharciga siyaasadda ayaa hagta. Siyaasaddana maslaxadda guud ayaa hagta. Ha loogu duceeya madaxda Soomallida oodhan: in Ilaah samaha tuso.


Wa Billaahi towfiiq


Maxamuud Cabdillaahi Axmed

Email:[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...