Shirkaddaha Jaadka Ee Laascaanood Oo Ka Qayliyay Wiil Uu Adeer U Yahay Muuse Biixi

0
Thursday November 24, 2022 - 06:57:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkaddaha Jaadka Ee Laascaanood Oo Ka Qayliyay Wiil Uu Adeer U Yahay Muuse Biixi

    Shirkaddaha Jaadka Ee Laascaanood Oo Ka Qayliyay Wiil Ay Isku Hayb Yihiin Madaxweynaha Mudo-xilleedkiisii Dhammaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaddaha Jaadka Ee Laascaanood Oo Ka Qayliyay Wiil Ay Isku Hayb Yihiin Madaxweynaha Mudo-xilleedkiisii Dhammaaday


Hargeisa(HWN):-Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Caraale, oo leh mid ka mid ah Shirkadaha Jaadka keena magaalada Laascaanood, ayaa si adag uga soo horjeestay shirkad cusub oo uu sheegay in Xukuumaddu ruqsad siisay.


Shirkad uu wato nin lagu magacaabo Cabdicasiis Aadan Habane (Siisto), oo uu sheegay in ay Xukuumaddu ruqsad u siisay inuu Jaad Nairobi ka keento, ayuu ka dhiidhiyay, waxaannu sheegay inay la dagaalami doonaan.
Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo Eedeymo u Jeediyey Shakhsiyaad - YouTube

Ninkan ay sida wayn uga qayliyeen Ganacsatadda Jaadka ee magaaladda Laascaannood, ayaa waxay isku hayb yihiin Madaxweynaha muddo-xilleedkiisii dhammaadday Muuse Biixi Cabdi oo hadda Kursiga ku fadhiya muddo-dhaaf Sharci-darro ah ayaa Wiilkaas uu adeerka u yahay ruqsad u siiyay innuu Jaadka Miirrooga ah uu ka keenno magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

"Siisto Nairobi ayuu joogaa, berritoolana diyaarad ayuu soo rarayaa, annagana waxa uu noogu Hanjabay Millateriga iyo Jaamac Siyaad ha is arkeen, laakiin Siisto waxa uu ilowsan yahay inaanay kala maarmin Milatariga iyo Jaamac Siyaad, weliba Siisto waxaan leeyahay way is arkayaan, waanan ku qaabilaynaa." Ayuu yidhi Ganacsadde Maxamed Jabuutaawi oo rag hubaysani dhiniciisa danbe taagan yihiin.

Waxa uu sheegay in markii hore Shirkadda Jabuutaawi iyo Shirkada Ina Afdiinle, oo kali ahi jaadka keeni jireen, laakiin-se loo sheegay in diyaaarado sida Jaad Miiroo ah la sheegay inay imanayaan oo ay Madaxweynaha iyo Badhasaabka gobolka Sool siiyeen ruqsad.

Madaxweynaha Somaliland ayuu u soo jeediyay inuu xal keeno, oo uu joojiyo ninka la sheegay inuu ruqsada u siiyay inuu Jaadka keeno magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Sool ayuu kula taliyay inuu ka laabto arrimaha ganacsiga ee lagu eedeeyay inuu gacanta kula jiro, isaga oo sheegay in wax ka badan labadii shirkadood ee hore u keeni jiray aanay wax ka badani magaalada Jaad keeni karin.


Loading...
Loading...