Koobka Adduunka: Spain oo xasuuqday Costa Rica iyo Belgium oo ka badisay Canada

0
Thursday November 24, 2022 - 06:27:54 in News by A. Asbaro
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koobka Adduunka: Spain oo xasuuqday Costa Rica iyo Belgium oo ka badisay Canada

    Koobka Adduunka: Spain oo xasuuqday Costa Rica iyo Belgium oo ka badisay Canada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koobka Adduunka: Spain oo xasuuqday Costa Rica iyo Belgium oo ka badisay Canada



Hargeisa(HWN):-Xulka Spain ayaa si xamaasad leh ku bilaabay ciyaaraha Koobka Adduunka, kadib markii uu 7-0 ku xasuuqay waddanka Costa Rica Arbacadii, iyada oo uu Ferran Torres laba gool dhaliyay iyo gool cajiib ahaa oo uu dhaliyay Gavi taas oo keentay in ay dhaafaan 100-gool oo Koobka Aduunka ah.
Jwe Espayol Gavi a goch, selebre ak kanmarad li yo apre li make 5em gol la pou Espay nan match Gwoup E a kont Costa Rica, 23 Nov. 2022.


Spain ayaa si aan kala joogsi lahayn u weerartay xulka Costa Rica oo isku dhexyaac badani ka muuqday, taas oo fursado badan siisay ciyaartooyda Luis Enrique.

Costa Rica waxaa sugaya halgal dheer, maadaama ay sugayaan Germnay, iyo Japan oo koobkan ku bilowday guul weyn oo ay ka gaartay xulka adag ee Germany.

Dhinaca Qeybta F, gool uu dhaliyay Michy Batshuayi ayaa xulka Belgium u oggolaaday inay 1-0 dirqi ah uga badiyaan waddanka Canadan oo kusoo noqday Koobka Adduunka markii ugu horreysay muddo 36 sanadood ah.

Batshuayi ayaa hogaaminaya weerarka Belgium maadaama uu dhaawac uga maqan yahay Romelu Lukaku. Xulalka Morocco iyo Croatia oo qeybtan ka tirsan ayaa 0-0 ku kala baxay.

Loading...
Loading...