Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Muuse Biixi Aanu Magacaabis Iyo Xil Kaqaadis Samayn Karin
	
	
Hargaysa (HWN) Xoghayaha
Amniga Xisbiga  WADDANI Ibraahin Ducaale
Boos ayaa su’aal galiyay sharciyada uu Muuse Biixi magacaabis iyo xil kaqaadis
uu ku samayn karo.
		
	
"Hal xaaraani nirig
xalaala ma dhasho!
		
Xilalkan Muuse maanta
magacaabay  sharciyaddee buu ku
magacaabay ama xil ka qaadis  ugu samayn
karaa  iyada oo isaga laftiisa
sharciyaddii uu ku fadhiyay ka dhammaatay?, sharciyad  qaran ahaan la isla ogol yahay oo uu ku
fadhiya ma jirto maaddaama ay dhammaatay mudadii  qarankan loo dhaariyey.
		
		
Waxaan qabaa inay isku
xuquuq yihiin isaga iyo  kuwa uu  leeyahay xilkaan idinka qaaday.” Xoghayaha
Amniga Xisbiga  WADDANI Ibraahin Ducaale
Boos
		
		
Hadalkan xoghayaha ayaa
daba socday magacaabis iyo xil kaqaadis uu manta sameeyay Ex. Madaxwayne Muuse
Biixi
		


 
         
                     0
                0            
 
    						





