Real Madrid Oo La Soo Wareegtay Messi-ga Japan Iyo Maradona Oo Ka Tagaya Kooxdii Mexico

0
Friday June 14, 2019 - 16:35:14 in News by
  • Visits: 2494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo La Soo Wareegtay Messi-ga Japan Iyo Maradona Oo Ka Tagaya Kooxdii Mexico

    Real Madrid Oo La Soo Wareegtay Messi-ga Japan Iyo Maradona Oo Ka Tagaya Kooxdii Mexico

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Oo La Soo Wareegtay Messi-ga Japan Iyo Maradona Oo Ka Tagaya Kooxdii Mexico


Kooxda Real Madrid ayaa maanta oo Jimca ah ku dhawaaqday in ay soo iibsatay ciyaaryahan Takefusa Kubo oo ay dadka ku naaneesaan Messi-ga dalka Japan.



Wiilkan 18 jirka ah ayaa ka ciyaara weerarka, waxaana sida wargeyska Marca ee kasoo baxa Spain uu sheegay, Real Madrid ayaa Kubo ku iibsatay laba milyan oo euro, isaga oo saxiixi doona shan sano oo qandaraas ah.

 Diego Maradona


Kubo, oo bishi hore kulankiisi ugu horreeyay u saftay xulka Japan ciyaar ay la dheeleen El Salvador, ayaa xilli ciyaareedki dhamaaday wacdaro ka dhigay horyaalka Japan ee J League. Wuxuu ka tirsanaa kooxda hadda ay Real kasoo iibsatay ee FC Tokyo.



Kubo ayaa ku biiraya dhowr laacib oo todobaadyadi dhawaa ay Real soo iibsatay kuwaasoo ay ka mid yihiin Eden Hazard, Luka Jovic oo weerarka ka dheela iyo laacibka difaaca ka ciyaara ee Ferland Mendy.


Diego Maradona ayaa ka tagay kooxda kubadda cagta Dorados de Sinalao ee dalka Mexico sababo dhinaca caafimaadka ah.


Qareenkiisa oo lagu magacaabo Matias Morla ayaa sheegay in dhaqtarka Maradona uu kula taliyay inuu ka joogsado shaqada tababaranimo ee uu ka hayo Mexico, sababo la xiriira qalliino uu dhawaan ka mari doono garabka iyo jilibka.



Maradona ayaa leylinayay kooxda Dorados oo ka ciyaarta heerka labaad ee dalka Mexico muddo sagaal bilood ah. Wuxuu xiligaasi wacad ku maray inuu gaarsiin doono ciyaaraha heerka koowaad balse wali way ku jiraan heerka labaad.

Guddoomiyaha Real Madrid Florentino Perez REUTERS/Sergio Perez - RC13968DD280


Maradona, oo xulka Argentina kula guuleystay Koobka Aduunka sannadki 1986 ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah laacibiinti kubadda cagta ee aduunyada soo maray.


 

Loading...
Loading...