Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka SLAND Oo Loo Soo Jeediyay In Uu Iscasilo

0
Wednesday November 23, 2022 - 15:18:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka SLAND Oo Loo Soo Jeediyay In Uu Iscasilo

    "damiir xumadiisu waa ninka lacagtii ugu badnayd ku bixiyey xafiis"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"damiir xumadiisu waa ninka lacagtii ugu badnayd ku bixiyey xafiis"

 



Hargaysa (HWN) Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis  ayaa usoo jeediyay wasiir ku xigeenka Caafimaadka ee Xukuumada wakhtigeedu dhamaaday ee Muuse Biixi in uu iscasilo.

 

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in Wasiir ku xigeenku uu lacag badan ku qalabeeyay xafiiskiisa xili shacabku buuxiyeen waadhadhka dhakhtarka wayn

 

"Wasiir ku-xigeenka Caafimaadku ee Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday,

damiir xumadiisu waa ninka lacagtii ugu badnayd ku bixiyey xafiis hore u qalabaysanaa, iyada oo dadku ku geeriyoonayaan Dhakhtarka weyn ee Hargeysa, oo dhawr tallaabo u jira Madaxtooyada.

 

Wasiir ku-xigeenka, haddii aad damiir leedahay bal xisaabi xafiiska aan qalabka u baahnayn ee aad lacagta badan gelisay, imisa bukaan ah ayey wax u tari lahayd, haddii cid masuuliyad darro samaysay cidda samaysay waa adiga ee haddii aad damqasho iyo damiir jiro is casil oo Xilkii umada laguugu dhiibay waad ku fashilantay.” Yonis A yonis .

 

 

 


Loading...
Loading...