WAR DEGDEG AH: Muuse Biixi Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Sameeyay

0
Wednesday November 23, 2022 - 14:14:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEGDEG AH: Muuse Biixi Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Sameeyay

    WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 23 /11/2022.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 23 /11/2022.


 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku  sameeyey masuuliyiinka mida Xukuumadda.



Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-


Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Xasan Axmed Aadan

Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka


Mudane,

Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.

2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare

        Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.


Mudane

Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka


Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne


Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa/Aqoonteeda/Kartidiisa/Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa/Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo/In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;


Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.


2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland.


ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Loading...
Loading...