Aas Aaska Wax Qorista

0
Wednesday November 23, 2022 - 12:34:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas Aaska Wax Qorista

    Waxaa jira xeerar asaasi ah oo saldhig u ah qoraalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa jira xeerar asaasi ah oo saldhig u ah qoraalka



Qoraalka waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah af-ka, wuxuu leeyahay habab gaar ah oo wax loo qoro iyo kuwa kale oo laga fogaado kuwaas oo ruuxii yeelaa dhigaalkiisa lagu haaraamo.


Hab qoraalka hagaagsan waxa uu ku suntan yahay xeerar la raaco oo ka dhiga qoraalka mid fudud oo si dhib yar loo dhugan karo ujeedada uu jeerkaas qoraagu ku howlan yahay inuu ruuxa akhrinayaa dhagaha ugu shubo.



 

Waxaa jira xeerar asaasi ah oo saldhig u ah qoraalka kuwaas oo aan sinna looga beyri karin iyo kuwa kale oo la adeegsado si nuqulka looga dhigo mid gudbiya ujeedo khaas ah. Hadaba xeerarka saldhigga u ah qoraalka sida ku qoran webka aqoonKaal waa :-


 

Xarafka u horreeya qoraalka ama tuduc kasta (ama baaragaraaf kasta) ha noqdo xaraf weyn, waana in baaragaraafku ku dhammado joogsi ama dhibic (.). Marka weero isku xiran dhammaadaana kusoo gabagabee joogsi (.)


 

Xarafka ugu horreeya ee magaca (sida magac qof, magaalo, dal ama qaarad) waa in uu noqdo xaraf weyn. Tusaale ahaan haddii magaca qofku uu yahay "quwaax qurac qansax” waa in la qoro "Quwaax Qurac Qansax”, sidoo kale haddii magaca magaaladu uu yahay "jeerin”, waa in la qoro "Jeerin”


 

Sidoo kale ha ilaawin meelaha ku habboon hakad (,), laba-dhibcood ), iwm


 

Sidoo kale marka lagu qorayo nuqulada baraha internet-ka waxaa habboon in laga aallo isticmaalka emojiyada kala duwan si qoraalku u qurxanaado.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...