Ha noqon RAKE {Dhiirigalin}
Ku Dhax Rid Rake Ama Rah Digsi Dhexdiisa Kadibna Ku Shub Biyo Oo Dabka Saar, Markasta Oo Ay Biyaha Heer Kulkooda Sare U Kaco Rakaha Wuxuu Isku Dayayaa Inuu Awoodiisa Isugu Geeyo Sidii Uu Ula Falgali Lahaa Kulana Qabsan Lahaa Cimmilada Wuuna Sameynayaa. Markasta Oo Kuleelka Sii Bato Jirkiisa Ayaa Adjust Gareynaya Oo La Qabsanaya.
Marka Biyaha Ay Gaaraan Heerka Karkarka (Boiling Point) Rakaha Wuxuu Awoodi Weynayaa Inuu Jirkiisa Qabatimo Cimilada Wuxuuna Isku Dayayaa Inuu Baxsado Misana Ka Boodo Digsiga, Uma Suurtoo Galayso Taas Sababtoo Ah Waxaa Ka Dhamaatay Awoodda Oo Wixii Uu Hayay Oo Dhan Wuxuu Isugu Geeyay Inuu Jirkiisa Ku Adjust Gareeyo Cimilada Sii Kululaanayay. Kadibna Wuu Dhimanayaa..
Maxaa Dilay Rakaha Ama Raha? Waxaa Dilay Aqoon Darradiisa Uu Kala Garan Waayay Marka Ay Tahay In La Boodo Iyo Marka Ay Tahay In Lala Falgalo Lana Qabatimo Cimilada Jira.
Brahim Hassan
Cashirka Aan Ka Baraneeyno Wuxuu Yahay In Aad Kala Ogaato Marka Ay Tahay In Aad Dhaqaaqdo Oo Aad Horay U Socoto Iyo Marka Ay Tahay In Aad La Falgasho Deegaanka Aad Joogto, Waxaa Jira Dad Toxic Ah Oo Aan Mar Naba Is Badalin Kuwaas Oo Sida Kaliya Ee Looga Badbaadi Karo Tahay In Laga Fogaado.
Deegaanada Qaar Ayaa Sidaas Oo Kale Ah, Soomaaliyaba Ha Noqotee, Marka Aadan Arkeynin Rajo Waxaa Haboon Inaad Awoodaada, Waqtigaada Iyo Hantidaada Ku Qasaarin Goobtaas Aan Wanaagsanayn.
Brahim Hassan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!