Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Gaartay Go'aan Ka Dhan Ah Trump

0
Wednesday November 23, 2022 - 10:25:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Gaartay Go'aan Ka Dhan Ah Trump

    "Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo"


Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadi shalay oggolaatay, in dukumintiyada canshuur-celinta madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump lagu wareejiyo guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada.

 

Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa tan iyo sannadki 2019-kii baadi-goob ugu jiray, sidi ay u heli lahaayeen dukumintiyada lacagaha canshuurta ee uu bixiyay Donald Trump muddo lix sano ah oo, ay ku jirto afarti sano ee uu madaxweynaha ahaa.

 

Trump ayaa dhamaadkii bishi October weydiistay Maxkamadda Sare in ay diiddo, amar kasoo baxay maxkmad ku taalla New York oo fasaxday baaritaanka canshuur celinta Trump.

 

Go'aanka Maxkamadda Sare ee shalay ayaa madaxweynihi hore ee Mareykanka Trump ku noqonaya, guul-darradii saddexaad ee kasoo wajahda Maxkamadda Sare sanadkaan oo kaliyah.

 

Wali wax falcelin ah kama soo bixin dhanka Trump.

 

VOA


Loading...
Loading...