Khasaaraha Dhulgariirkii Turkiga Oo La Shaaciyay
Dhulgariir cabbirkiisa
lagu qiyaasay 6.1 ayaa ku dhiftay Waqooyi Galbeed dalka Turkiga saacadihii hore
ee Arbacada maanta ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 35 qof.
Dhulgariirkan ayaa ka
dhacay meel qiyaastii 170 kiiloomitir (105 mayl) dhanka bari kaga beegan
magaalada Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn dalkaas, halkaas oo si xooggan
looga dareemay.
Mas'uuliyiinta Turkiga
ayaa sheegay in dhulgariirku uu ahaa 5.9 -- taas oo ka hooseeya qiyaastii 6.1
ee ay bixisay hay'adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka.
Waxa uu ka dhacay
degmada Golyaka ee gobolka Duzce, inkastoo uu sidoo kale uu ruxay magaalooyin
kale oo u dhow.
"Waxaa kusoo toosnay
sawaxan iyo gariir weyn," ayay AFP u sheegtay Fatma Colak oo degan Duzce.
"Waxaan kasoo
baxnay guryaheennii annagoo argagaxsan, hadda waxaan ku suganahay
bannaanka." ayay raacisay.
Wasiirka caafimaadka
Fahrettin Koca ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in 35 qof ay ku
dhaawacmeen, kuwaas oo 32 ka mid ah ku dhaawacmeen degmada Duzce, mid Istanbul
ah iyo labada kale ee gobollada u dhow ee Bolu iyo Zonguldak.
Turkigu ayaa ku yaalla
mid ka mid ah goobaha ay ugu badan yihiin dhulgariirka adduunka.
Duzce ayaa ahayd
goobtii uu ku dhiftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.4 sanadkii 1999-kii - oo
ahaa kii ugu khasaaraha badnaa Turkiga tobannaan sano.
Dhulgariirkaas yaa
dilay in ka badan 17 kun oo qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad kun qof oo ku
dhintay Istanbul.
VOA