Waa Maxay Sababta Ay Canada Ugu Baahan Tahay Dad Tiradoodu Tahay Milyan Iyo Bar Soo Galooti Ah?
Dowladda Canada ayaa
doonaysa in qaadato malaayiin muhaajiriin ah ka hor dhammaadka sanadka 2025, si
shaqaalo ku filan ay ugu hesho shirkadaha iyo ganacsiyadeeda.
Horraantii bishan
dowladda Federaalka Canada ayaa shaacisay in sanadkiiba ay qaadan doonto nus
milyan qof ilaa inta laga gaarayo 2025, taasoo ka dhigan in 1.5 milyan oo soo
galooti ah ay dalkaa tegi doonaan saddexda sano ee soo socota.
Ra’yi ururin la
sameeyay dhawaan ayaa muujinaysa in muwaadiniinta dalkaas aanay la dhacsaneyn
qorshaha dowladda ee ku aaddan soo dhaweynta muhaajiriinta.
Sanadkii la soo dhaafay
Canada ayaa sharcigeeda deganaanshaha siisay in ka badan 405,000 oo qof,
tiradaas oo ah tii ugu badnayd abid ee dalkaas.
Sababta ay soo
galootida badan ugu baahan tahay Canada ayaa ah in muwaadiniinta dalkaas ay u
badan yihiin dad da’ ah, ayna ku yartahay dhalmada. Si loo kobciyo dhaqaalaha,
waxa ay Canada u baahan tahay shaqaale ay dibedda ka keento.
Tirada
soo galootida
Maanta, 25%
muwaadiniinta Canada ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalal kale, waana tirada ugu
sarreysa ee dalalka ka tirsan G7. Maraykanka oo ah dal loo hayaamay ayaa aad uga
hooseeya, oo waxa ay dadkaas gaarayaan 14% dadweynaha ku nool dalkaas.
Geoffrey Cameron, oo
culuunta siyaasadda ka dhiga jaamacadda McMaster ee Canada, ayaa rumaysan in ka
guulgaaridda siyaasadda soo galootida ay ku xiran tahay sida ay u taageeraan
muwaadiniinta dalkaas.
Tusaale ahaan,
muhaajiriintii ugu badnaa ayaa sanadkan Maraykanka ka galay xuduudda
koonfureed, waxaana arrintaa ay dhalisay walaac ah in dadka soo galayo ay aad
uga badan yihiin shaqooyinka diyaarka ah.
Ka hor inta aysan
Britain ka bixin Midowga Yurub, muhaajiriinta dalkaa uga imanayay waddamada
bariga Yurub ayaa abuuray naceyb ka dhan ah soo galootida.
Hase yeeshee Canada
ayaa muddo dheer taageero u muujinaysay soo galootida.
"Waxay ila tahay
in sababtu ay qeyb ahaan tahay in shacabka Canada ay aamineen in dowladooda ay
si wanaagsan u maarayso hannaanka lagu soo galo dalka, isla markaana uu yahay
mid u adeegaya danta dalka,” ayuu yiri Cameron.
Hase yeeshee taasi kama
dhigna in aanay jirin dad ka walaacsan soo galootida.
Gobollada kala duwan ee
Canada ayaa siyaabo kala gedisan u arkan muhaajiriinta.
Markii ay dowladdu
shaacisay in sanadkii ay qaadan doonto nus milyan soo galooti ah, gobolka
Quebec oo dejista siyaasadaha muhaajiriinta ayaa sheegay in aanu qaadin doonin
wax ka badan 50,000 oo qof sanadkii. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in gobolkaas
oo ay ku nool yihiin 23% dadka Canada uu qaadan doono 10% tirada muhaajiriinta
ay doonayso dowladda.
Hogaamiyaha gobolkaas,
Francois Legault, ayaa sheegay in muhaajiriinta cusub ay wiiqi doonaan luuqada
Faransiiska ee halkaa looga hadlo.
Soo galootifa ay Canada
doonayso ayaa ah kuwo khibradooda iyo xirfadaha ay leeyihiin uga faa’iideyn
kara dhaqaalaha waddanka.
Dalalka Maraykanka iyo
UK ayaa tilmaamay inay doonayaan hannaan la mid ah kan Canada oo ay ku soo
jiidanayaan soo galootida wax ka tari kara dhaqaalahooda.
Marka laga soo tago soo
galootida khibradda leh, Canada ayaa sidoo kale fursad siisa qaxootiga ka soo
carara dhibaatooyinka ay kamidka tahay colaadda.
Sanadkii 2021, Canada
ayaa aqbashay 20,428 qof oo qaxooti ah.
Sanadka soo socda ee
2023, Canada ayaa doonaysa inay qaadato 76,000 oo qaxooti ah.