Xukuumadda Biixi Oo Ibo-furtay Shirar Jaraa'id Oo Taxanne Oo Ay Kaga Fal-celinayaan Go'aankii Mucaaridka

0
Wednesday November 23, 2022 - 07:04:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Biixi Oo Ibo-furtay Shirar Jaraa'id Oo Taxanne Oo Ay Kaga Fal-celinayaan Go'aankii Mucaaridka

    Xukuumadda Biixi Oo Ibo-furtay Shirar Jaraa'id Oo Taxanne Oo Ay Kaga Fal-celinayaan Go'aankii Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Biixi Oo Ibo-furtay Shirar Jaraa'id Oo Taxanne Oo Ay Kaga Fal-celinayaan Go'aankii Mucaaridka



Hargeisa(HWN):-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay si maalinle ah u kaayeystaan u jawaabista Xisbiyada Mucaaradka oo dhawaan ku dhawaaqay inay Aqoonsanayn Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi oo muddo-xileedkeeda rasmiga ah dhammaaday.



Haseyeeshee, Golaha Guurtida Somaliland ayaa horaantii bishii October ee sannadkan waxa ay muddo-xileedka madaxseynaha u kordhiyeen Laba sanno kaddib markii ay xisbiyada mucaaradka iyo xukuumaddu ku heshiin waayeen qabsoomidda Doorashooyinka.

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku doodaysa in doorashada ururrada siyaasaddu ka horeyso qabsoomidda doorashada madaxtooyada, halka xisbiyada mucaaradkuna ku adkaysanayaan inaanay oggolayn doorasho aan ahayn ta madaxtooyada.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaallada shirar-jaraa’id oo madaxtooyadu dabada ka riixayso oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey ay xubno wasiirro ahi ugu jawaabayeen axsaabta mucaaradka, waxaana wasiirradan ugu dambeeyey Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tecknoolajiyadda Dr Cabdiwali Sheekh Suufi oo sheegay in xukuumaddu wada-hadallo u furma xisbiyada mucaaradku ku xidhay shuruud ah in marka hore labada xisbi ay ka laabtaan wax uu ku tilmaamay dhawaaqii Sharciga iyo xeerarka dalka baalmarsanaa ee ka soo yeedhay labada xisbi mucaarad.

Xubnahan Wasiirrada ah ee u jawaabay mucaaradka waxa u horreeyey Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Xannaanada Xoolaha oo furay Ololahan aanu ugu magac-darnay "Musalsal ama Taxanne Xukuumada Biixi ugu Quus-goynayso Mucaaradka ee Hargeysa ka socda”, Kaas oo sida qorsheysan la filayo inuu joogto noqdo maalmaha soo socda.

Wasiirrada Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Beeraha ayaa iyaguna Axaddii Dorraad iyo Isniintii, kuwaasoo siyaabo kala duwan ugu jawaabay labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID.

Loading...
Loading...