Wasiir Koore Oo La Kulmay Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland
"Kamaradaha warbaahinta ayaa qabtay labada wasiir oo isku salaamaya"
Hargaysa (HWN) Wasiirka
Warfaahinta Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland
Jaamac Faarax Xasan ayaa ku kulmay aaska
AHUN Garaad Saleeban Garaad Maxamed oo shalay deegaanka Sarmaanyo ee Gobolka Sool lagu aasay.
Kamaradaha warbaahinta
ayaa qabtay labada wasiir oo isku salaamaya goobta xabaasha.
Kulanka labada wasiir
ayaa ku soo beegmaya xili Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu yaraan
dhaawaca 8 kale, uu degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo
kuwa maamulka Puntland.
Loading...
Loading...