Xulka Sucuudi Carabiya oo Karbaashay xulkii Argentine & Messi oo foorar garoonka kaga baxay

0
Tuesday November 22, 2022 - 15:22:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xulka Sucuudi Carabiya oo Karbaashay xulkii Argentine & Messi oo foorar garoonka kaga baxay

    Natiijada ciyaartan ka soo baxday ayaa lama filaan ku noqotay bahda la socota kubadda cagta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijada ciyaartan ka soo baxday ayaa lama filaan ku noqotay bahda la socota kubadda cagta



Xulka kubadda cagta waddanka Sucuudiga ayaa 2-1 ku garaacay dhiggooda xulka qaranka Argentine oo ka mid ahaa xulalka loo saadaalinayo koobkan adduunka in ay qaadaan.

 

Xiddigaha Saliim Al Dawsari iyo Saalax Al shahraani ayaa labada gool u dhaliyey Sucuudiga halka goolka madiga ah oo rigoore ahaa Messi haafka hore u dhaliyey Argentine.

 

Natiijada ciyaartan ka soo baxday ayaa lama filaan ku noqotay bahda la socota kubadda cagta meel kasta oo ay joogaan kuwaasi oo markii hore saadaalinayay in gelin horeba Sucuudiga lagu cabi doono, balse natiijada kulanka ayaa dhinaca kale isu rogay waxaana garoonka foorar kaga baxay Lionel Messi oo aan burkaba bahal ka deyin.  Argentine ayaa labadooda kulan ee kale ee wareega koowaad la yeelan doona Poland iyo Mexico


Loading...
Loading...