Laba Dacal Dhexdood Libdho Kuugu Dhacdey, Dawladnimada Soomaalida Ayaa Darkaa Ka Cabta, Wadaniyadna Umey Daban.

0
Friday June 14, 2019 - 16:05:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Dacal Dhexdood Libdho Kuugu Dhacdey, Dawladnimada Soomaalida Ayaa Darkaa Ka Cabta, Wadaniyadna Umey Daban.

    Qalinka:- C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinka:- C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Duul  aan  hogaamini  deeqin  in  la  Maamulana  hadalkood  daa  yagoo  muwaadiniin  ah  ama  Wadaniyiin  dareensan  oo  ay  ku  weyn  tahay  qadiyada  ciidoodu,  Waxay  ku  baddalaan  karaan  maalin  masruuf iyo  waxaan  dhaamin  Aragtida  Dhuunta,  Balse  tani  lama  qabaan  dadyowga  kale  ee  Caalamka  ku  unkan, Su,aalo  door  ah  ayaan  ku  bilaabayaa  faaladan. Dalan-baabigiyo  ciilka  duliga  Soomaalida  saaran  horta  yaa badey? Ma  qayb  bay  u  heshay  Doc-qudhantiyo  wacaasha  Uur  kala  dooxan? Yaa  dirawaliyey  diimiska  haysta  geedigeeda  nolosha?.

 

Horta  taariikhdu  yadaa  is-qorta  waa  ta  Aduunka  marka  laga  reebo  Sooyaalka  Soomaalida, Waayo  umadani  waxa  la  Majara-habaabiyey  xiligii  Ololaha  Qorista  Af-soomaaliga  oo  loo  sameeyey  taariikh  aan  jirin  lagana  dhigey  wax  Diwaanka  gala, Sababtuna  waxay  aheyd  aragti  ka soo  fushey  Kacaankii  ama  Tawradii  Ina  Siyaad  Barre  oo  sidaa  xal  u  arkayey,  " Alif  Kaa  Xumaadaa  Al-baqra  Ayuu  Ku  Dhibaaye”, Horta  halkaasey  ka  laaqantey  bahashu, Yadaana  wixii  kakanaa  ee  lagu  shubey  isu  dirawalisey,  Soomaali  laf-ahaanteed.

 

Waxba  yaanan  tooxsin  Arereed  dawaada  ku  sii  daanshoone aan  Abaaro  halkay  maantana  holatey, In kastoo  qalad  dhacay,  Hore  loo  qaldamey, Dhexda  laga  qaldamey,  Dibna  loo  qaldamey, Waxa  ugu  daran  ee  dareen  murdiso  ku  suntan   waa  Wadaniyada  dadka  Soomaalida  iyo  Dawladnimadooda  oo  ay  dhinac  isu  raaci  weyday  arimo  la  xidhiidha  dano-gaar  ah  iyo  Duruus  qaldan  oo  loo  dhigey  umadan, Carabta  ayaa  tidhaahda  "Kulu  Fidma  Cindal-ibil” ,  Mushkiladi  inoogamay  horeyn  Isticmaarkii waxaan  raacnaa  raadkiisii, Dawladnimadeena isaga  ayaan  ku  dabaqnaa,  Nidaamka  qabiliga  ah  iyo  wax  qaybsiga  isaga  ayaa  inoo  dajiyey,  Markaa  inagu  dunida  waxba  kumaynu  soo  darsan,  Sidii  Raxmaanku  u  noolaada  yidhina  waan  khilaafney  hadii  laga  tagi  waayo  waan  Sunaynaa.

 

 

Sida  ku  cad  Maktabadaha  umada  Soomaalida  oo  ah  Suugaantooda  hodanka  ah,  Waxay  umamkani  lahaayeen  nidaam  ama  qaab  nololeed  ay  ku  soo  noolaan  jireen  oo  ay  isu  maamuli  jireen, Xeer-beegti  baa  loo  daba-fadhiisan  jirey  xilaheeda, Geesiyo  gaari  bay  lahayd,  Biri-ma-gaydo  ayey  lahayd, Xeer  garsoor  oo  gog  lagu  daabacay  ayey  lahayd, Tusaale  ahaan  Dil  ama  fal  nabur  ku  yimaada  kitaab  laga  daalacdo  ayey  lahayd, Sida  Xeer  iyo  xagaan,  Kas  iyo  Ka’ma , Qudh  iyo  qaan,  Haykalkaa  dhamayska  tiran  waxay  maanta  ku  badalatey  iney  wax  walba  marti  uga  ahaato  Hideyaal  shisheeye,  Kumana  dhaqanto  kamana  dhabayso,  Balse  way  ku  foogan  tahay  iney  ku  dayato, Keedii  ka  tagtey  ku  kalena  gaadhi  weyday.

 

Muwaadiniin  ma,aha  Soomaalidu  meel  kasta  oo  ay  joogto  ama  ay  ku  dhaqan  tahay  waxa  caado u  ah  iney  ciideeda  ku  doorsato  Kacdoon  shacab  iyo  dan  ruux  kali  ahi  leeyahay,  Wadamada  ay  mandaqada  ku wada  yaalaan  Wadamada  Soomaalidee  kala  gadisan  waxay  dheer  yihiin  Muwaadinimo,  Wax  way  isu  qabtaan  laakiin  kama  gaadho  heer  Qaran-dumisnimo  iyo  handidaad  shacab,  Siyaasad  waa  laysu  qabtaa  laakiin  laysuma  qabto  waxa  la  wada  leeyahay  ee  umada  ka  dhaxeeya,  Sida  Wadanka,  Calanka,  Dastuurka  iyo  Dhaadashada  Ciida,  Intaa  in  la  ilaashado  ayaa  laga  wada  siman  yahay  dhamaan  jinsiyadaha  aduunka  ku  dhaqan  ee  dal  ka  dhaxeeyo.

 

Umada  Soomaalidu  waxay  ku  kala  fooftey  Istaraatajiyadihii  uu  gumaystuhu  u  sameeyey  yagoo  ka  dhaxley  cawaaqib-xumooyin  badan,  Oo  ay  ugu  horeyso  in  Nimaadka  Dawladnimo  iney la  xidhiidhiyaan  dhaqan  aan  koodii  aheyn  ee  la  barey  waliba  ay  gadh-wadeen  ka  yihiin  Duqey  dhalan-gadisan,  Waxay  tii  dhashey  Dawlad  ka  been  sheegta  waxay  ku  heshiisey  cida  ugu  horeysa  ee  dabarkaasi  furtaana  ay  Shacabka  ama  Bulshada,  Oo  qaladkii  la  saxsanaadey  isla  markaana  waayey  wax  u  gurmada  ama  u  hindisa  wax  cusub  oo  ay   aduunka  la  wadaagaan  kagana  qayb  galaan  nidaamyada  hogaamineed  ee  qoomiyadaha  kala duwani  isu  dhaqaan  oogada  Koonka.

 

Waxaad  arkeysaa  Dawladnimadii  oo  ay  u  wada  fahmeen  wax  layska  laaluusho  si  ay  u  shaqeyso,  Culuuntaasina  mustacmarka  ayaa  Odeyaasha  beel-daajiyayaasha  ah  u  isticmaali  jirey,  Waa  sababta  maanta  dawladaha  Soomaalida  ay  Bulshooyinku  ugu  kacaan  si  qofka  hagayaa  u  helo  waxa  uu  doonayo  xataa  wuu  wadayaa  halgankiisa  doonista  ilaa  heer  Qaran-dumis,  Hadiise  la  af-garto  Xukuumaduna  ay  wax  u  fidiso  si  lama  filaana  ayuu  u  noqonayaa  Odey  guurtiya,  Qodobkaasina  waxa  uu  fasirayaa  in  Wadaniyada  Dalnimo  ay  kala  weyn  tahay  dantiisa  gaar  ahaaneed,  Waa  raad  ay  wada  mareen  umadaha  Soomaalidu  iney  buuq  ama  Siraad  ogaan  si  ay u  hantaan  wax  aan  dheereyn  Noloshooda,  Kama  fikiraan  mustaqbal  wadan  iyo  faa,iidada  ciidu  leedahay  in  la  ilaaliyo  wadaniyadana  lagu  beero.

 

Nidaamkeedii  way  ka  soo  min-guureen  ku  ay  ikhtiraaceena  may  helin  taasina  waxay  hoosta ka  xariiqeysaa,  Dawladnimada  Soomaalidu  iney  tahay  bildhaan  gabi  ka laalaada  ama  " Laba  faras  fuul  futo  qarer  baa  laga  qaadaa”,  Inta  badan  heer  la  mahadiyo  ma gaadhaan  waayo  laba  qalbi  lama  wada  yeesho  quluub  kaliya  uun  baa  qaninimo  lagu  hantaa, Waa  bulshada  kaliyaatee laga  waayey  wax  lagaga  daydo  intii  u  dhisnayd  waa  laga  wanjaafey  in  kale  oo  lagu  shubeyna  way  baal-mareen,  Gumaystuhu  intaaba  wuu  badey  hadana  maalin  qudha  isumay  dayin  iney  ka  baxaan  dhibaatada  ama  ay keenaan  dariiq  u dhaama  oo  gaynaya  waxay  doonayaan.

 

Suura-gal   ma  noqoto  Dawladnimadoodu  maxaa  wacay  mar  kasta   way ka  leexdaan  wixii  ay  ku  heshiyeen,  Dawladnimada  ay  matalaana  waxa  ka  hor-imanaya  nidaam  qabiileedka  loo  dajiyey ee  aan  koodii  hore  aheyn,  Tusaale  waxa jirta  tabasho  nasiib  xumose  halkeeda lagagama  doodayo  waxa  markaaba  lagu  kacayaa fal  dhaawacaya  Dawladnimadii  la  wada lahaa  ee  aan  cidna  gaarka  u  aheyn,  Masiibada  Soomaali  ku habsatey  horta  waa  ceynkaa  xaqiiqatan  waxa  ku  dhacdey  dabaaqad  sun  ah  iyo  Astaamo  samaha  dawladnimo  ka  fog,  Inta  shacabku  aaney  garanayn  waxa  isku  haya  ama  ka  dhaxeeya  iney  tahay  dhismaha  saxda  ah  ee  qaab  Dawladeedka  ay  leeyihiin,  Hadiise  taasi  meesha  ka  baxdo  ninba  meel  buu  dhurwaagu  ku  haleeli.

 

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).

Diplomatic  Annalysts.

Gabiley/Somaliland.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...