Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Somaliland Iyo Puntland
Buuhoodle (HWN) Dagaal sababay dhimashada 3 askari iyo ugu
yaraan dhaawaca 8 kale, ayaa degmada Buuhoodle ku dhexmaray Ciidamada
Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland.
Taliyaha Guutada 135aad
ee Ciidamada Somaliland ee aaga Buuhoodle Gaashaanle Sare Cabdillaahi
Dhagaweyne, oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Sahan, ayaa sheegay in
Ciidanka Puntland soo weeraray Ciidanka Somaliland oo nabadgalyada sugaya.
Waxaanu
yidhi."Ciidanka Puntland ayaa soo qaaday weerar oo laba garab ah, garab
qaybta booliiska ah oo uu taliyihii qaybtu wato, qaybna waxay ahayd qaybta Daraawiishta,
dagaal ayaa halka ku dhex maray, ciidankaas nabadgalyada sugayay iyo
nimankaas".
Gaashaanle Sare
Dhagaweyne ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho
iyo dhaawac, isla markaana Ciidanka Somaliland ay dagaalka ku qabsadeen baabuur
dagaal.
Waxaanu
yidhi."Dagaalkaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawacba waa yeeshay, dhankooda
intaanu ka warhayno 3 dhimasho ah iyo 7 dhaawac ah ayaa la sheegayaa,
Somaliland nin askari ah ayaa dhaawac ka ah, 3 gaadhi oo laba tikniko tahayna
waa laga qabtay Puntland".
Waxa uu sheegay in
markii dagaalku dhacay ay Ciidamada Somaliland ka shaqaynayeen sugida
nabadgelyada Buuhoodle, oo shaqaaqo beeleed ka dhacday, isla markaana Ciidanka
Puntland uu dhinaca kale ka joogay magaalada, kadibna Ciidamada Puntland ay soo
weerareen Ciidanka Somaliland xili ay sugayeen amaanka odayaal dhaqameed
deegaanka soo gaadhay.
Ciidamada Somaliland
iyo Puntland ayaa muddo dheer ku wada sugnaa deegaanka degmada Buuhoodle, balse
ma jiraan dagaalo lamid ah kuwa ka dhacay gobolka Sool oo Buuhoodle ku dhex
maray labada ciidan.