Wasaaradii Labaad Ee Ka Tirsan Xukuumada Muuse Oo Laga Jabsaday Bogga Ay Ku Leedahay Facebook
Hargaysa (HWN) Maxamed
Sadiiq Dhamme oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa
sheegay in lajabsaday bogga ay facebook
kuleedahay wasaarada shaqo-gelinta iyo arimaha Bulshada Somaliland.
Xoghaye Sadiiq ayaa
sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-
"Boggi Facebook ee
Wasaarada Shaqo-Galinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska waa la jabsaday, waa Boggi
labaad ee 2022 Carruur Chines ahi kala
wareegto Dawladda Somaliland, hore waxa loo Jabsaday Facebook Page-kii
Wasaaradda Technolojiyadda iyo Isgaadhsiinta, waa masuuliyad darro weyn waxa
laga qaaday Wasaaradda $3000 oo lagu dalbay (Blue Tick) iyadoo la sii maraayo
dillaalin joogta dalka Kenya. Waxaan soo jeedinaynaa in Dhallinyarada baratay
Aqoonta information technology ay Caawiyaan Wasaaradda, Eng Omer-sayid Hassan
si Mutdawacnimo ah u caawi Qarankeenna JSL !”