TPLF Oo Shuruud Cusub Ku Xidhay Inay Hubka Dhigaan
Hogaamiyayaasha
Tigrayga ayaa sheegay in ciidamadooda aysan hubka dhigi doonin ilaa dadka degan
gobolka waqooyi ee Itoobiya laga damaanad qaadayo ammaankooda.
Hub ka
dhigista ciidamada iyo kooxaha maleeshiyada waxay qayb muhiim ah ka ahayd
heshiiskii nabadeed ee ay dawlada iyo kooxda TPLF kala saxeexdeen 2-dii
November.
Labada
hogaamiye ee ugu sareeya xisbiga Tigray ee TPLF ayaa ku eedeeyay ciidamada
Eritrea inay wali dhaqdhaqaaq ka wadaan waqooyiga Itoobiya halkaas oo ay ka
geysanayeen tacadiyo.
Arintan
ayay sheegeen in ay ku adkaatay Ciidamada TPLF in ay hub ka dhigis ku
sameeyaan.
DR
Feysal rooble oo ah khabiir ka faalloda arrimaha siyaasadda ee Ethiopia ayan
wax ka weydiinay arrimahani saameynta ay ku yeelan karaan heshiiskii ka dhacay
dalka Koofur Afrika.