Wiilka Madaxweynaha Afrikaanka Ah Dhalay Ee Goolka U Dhaliyay Mareykanka
Timothy
Weah oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Liberia George Weah, ayaa gool u
dhaliyay xulka Mareykanka ciyaartii furitaanka koobka adduunka ee ku dhamaatay
barbaro 1:1.
Madaxweyne
Weah ayaa ku sugan dalka Qatar muddo sagaal maalmood ah si uu u daawado
wiilkiisa oo haysta dhalashada Mareykanka oo ka qeyb galaya koobka adduunka.
Safarkiisa
ayaa dhaliyay muran, ka dib markii uu wasiirka maaliyadda ee dalkaasi sheegay
in madaxweynaha uu "xaq u leeyahay" lacag dhan $2,000 oo doolar oo
gunno maalinle ah inta uu joogo Qadar.
Dadka
dhaleeceeya ayaa sheegaya in lacag intaas le’eg la siiyo Mr Weah maalintii ay
ka hor imanayso ballan qaadkiisii ahaa in uu dhimi doono
kharashaadka dadweynaha isaga oo u door bidaaya "ajendihiisa u hiilinta dadka saboolka ah”.
Weah,
ayaa ahaa ciyaartoygii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo ay FIFA siisay abaal
marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan sannadka.
BBC