Xukuumada Muuse Oo Lagu Eedeeyay Inay Jidhdil Ugaysatay Maxaabiis Dumara Oo Jeelasha Ku jira
Hargaysa
(HWN) Xoghayaha Caddaaladda xisbiga Waddani Yoonis Ahmed Yoonis ayaa sheegay in
xukuumadaha sii dhacaya ay badiyaan xadhiga muwaadiniinta ay jeelasha utaxaabayaan.
Xoghaye
Yoonis ayaa intaasi ku daray in xukuumada Muse Biixi ee wakhtigeedu dhamaaday
ay dumar badan utaxaabtay jeelasho, isagoo xusayna in maxaabiista qaar jidhdil
loogu gaystay xabsiyada.
"Xukummadda
wakhtigeedu dhammaaday ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi waxay ku suntan tahay
xadhigga, jidh dilka iyo ku tacadiga haweenka muwaadiniinta ah ee reer
Somaliland, gaar ahaan kuwa fikirkooda cabira iyo kuwa Xisbiyada Mucaaradka ah
taageera.
Haweenka
oo ah dad u nugul dhibaatooyinka xadhigga iyo tacadiyada kale ee Xukuumadda
kula kacdo, ayaa waxa muddooyinkan dambe sii kordhaya tacadiyadda iyo ku
tumashada xuquuqda haweenka reer Somaliland, iyada oo dhawr kii bilood ee u
dambeeyey haween kala duwan lagu xidhay Gobollada dalka, kuwaas oo qaarkood
jidh dil loo geystay.
Arrinta
werwerka leh, waxa weeye in haweenkaas goob ku haboon oo lagu xidho aanay
haysan, oo ay dhibaatooyinka kala kulmaan Saldhigyada ay ku xidhan yihiin, oo
ah goobo aan ku haboonayn in lagu xidho.
Waxaan
si gaar ah uga xunahay xadhigga sharci darada ah ee Xukuumadda wakhtigeedu
dhamaaday kula kacday dadka dhalinyarada ah ee aad ka u da’yar ee Burco laga
soo xidhay, waxaana si gaar ah u cambaaraynaa xadhigga sharci darada ah ee
Inanta Nada Galow iyo weliba tacadiga iyo jidh dilka loo geystay ee ay
sheegtay.
Arrimahan
oo dhan waxay muujinaysaa sida
Xukuumadda xilligeedu dhamaaday, ay hablihii Birmagaydaha ahaa ugu tumanayso
xuquuqdooda, isla markaana ay jidh dilka ugu hayso.
Waxaan
ku baaqaynaa in dhamaan dadka sharci darada ku xidhan ee Habluhu ku jiraan loo
soo celiyo Xoriyadooda” Xoghayaha Caddaaladda xisbiga
Waddani yoonis Ahmed yoonis