Go'aanka Maxkamada Sare Ku Sharciyeysay Ururka Talo Wadaag Waa Go'aan Siyaasadeed Ee Ma Aha Go'aan Garsoor.

0
Tuesday November 22, 2022 - 10:02:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Go'aanka Maxkamada Sare Ku Sharciyeysay Ururka Talo Wadaag Waa Go'aan Siyaasadeed Ee Ma Aha Go'aan Garsoor.

    Ujeedada Maxkamadu ka leedahay go'aankaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada Maxkamadu ka leedahay go'aankaas



Horeba waa loo ogaa in Maxkamada sare iyo gudoomiyaheeda Aden X. Cali Axmed ay ka tirsanyiin xukuumada Kulmiye, qoraalkan uu gudoomiyaha Maxkamada sare soo saareyna kama duwan wareegto wasiir xukuumadii hore ka tirsan soo saaray isagoo fulinaya amarka Madaxeynihiisa Muuse Biixi Cabdi.



Waa calaamadaha dal dikteytar xukumo lagu garto inuu amar siiyo Dikteytarku Maxkamadaha dalkaas. Aden X. Cali wuxuu ka tirsanyey Xusbiga Kulmiye oo wuxuu ku shaqeeyaa talada iyo aragtida gudoomiya Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Sidaas darteed, go'aan kasta uu soo saaro ma yeelanayo sharciyad qaanuuni ah maadaama uu lumiyey dhexdhexaadnimada Dhar dhaarkii uu ku fadhiyey.


WAA MAXAY SABABTA ADEN X. CALI GO'AANKAN U SOO SAAREY WAKHTIGAN XASAASIGA AH ?.


Ujeedada Maxkamadu ka leedahay go’aankaas waa iska caddahay oo waa in culeyska lagaga yareeyo Ex-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo lagu kala dhantaalo kacdoonka ka socda deegaanada ay ka soo jeedaan Guddomiyaha Ucid Faysal Cali Warrabe iyo musharax C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), maadaama guddoomiyaha Ururka Talo wadaag ay isku deegaan ka soo jeedaan.


Ex-Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maxkamadiisa sare waxaanay ogeyn in kacdoonka shacabka Somaliland dhaafay heer deegaan uuna marayo heer dalkoo dhan ah.


Waa siyaasad raqiis ah oo Muuse ku caanbaxay inuu shucuubta kala qeybiyo oo had iyo jeer aad arkaysaan siyaasi u jawaabaya siyaasi kale oy isku beel ka soo jeedaan, gabadh gabadh kale u jawaabeysa iyo beel dhexdeeda isu jawaabeysa taasoo lagu bixiyo lacag aad u badan oo cashuurta dan yarta laga qaado ah.


Ujeedada Muuse ka leeyahay go'aankan waa in gudoomiyaha Xusbiga talo wadaag Ibraahim Mahdi Buubaa ka shaqeeyo siduu u kala furfuri lahaa taageerayaasha 2 da Xusbi iyo inuu had iyo jeer TVyada ka dhaliilo 2 da Xusbi mucaarid iyo madaxdooda. Wixii hadda kadib la sugaaba waa Ibraahim Mahdi Buubaa oo TVyada la hor taagan dhaleeceynta Xusbiyada mucaaradka iyo taageerada Muuse Biixi.


Somaliland waa dal waaxda fullintu xukunto waaxda garsoorka.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...