Somaaliya oo kale ma aha wadan gaajo darteedii la isku dal dalo.

0
Tuesday November 22, 2022 - 09:49:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaaliya oo kale ma aha wadan gaajo darteedii la isku dal dalo.

    Aduunyadu waa ay inagu qoslaysaa Allena maalinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunyadu waa ay inagu qoslaysaa Allena maalinka



Haddii aan ogaan lahayn khayraadka dhulkeena Eebe ku manaystay waxaynu ahaan lahayn mid kamid ah wadamada loosoo tahriibo.


Laakiin in aan horumarno waxa inaga hortaagan Siyaasiyiin danaystayaal ah oo xukun oo qaybi fikirkoodu uu yahay.



Aduunyadu waa ay inagu qoslaysaa Allena maalinka qiyaame waa ina waydiin doonaa khayraadka uu inagu manaystay ee aynu ka bakhtiyayno kana tahriibayno.


Inta aynu la jirno Siyaasiga danaystaha ah ee aynu aragtida Siyaasiyiinta waxku cabirayno waligeen duliga kama baxayno.


Waxaad ogaataa in Siyaasiga maantu uu yahay danayste aan jixin jixin, haddii aad fikirkaaga iyo caqligaaga kusoo koobto deegaanka aad ku dhalatay oo kaliyana waxad ogaataa in aad baadil ku sugantahay.


Bulshooyinka horumaray aragtida waxay ka qaataan waa aqoonyahan kooda, halka inaga aqoonyahan keenu uu Siyaasiga aragtida ka qaato.


Xaq ma aha in gaajo darteedii Hargaysa dhexdeeda uu ruux nafta isaga jaro.


Halka dhinaca kale uu Siyaasigu raaxaysanaayo ee uu nolol dhamaystiran ku noolyahay.


Xaq ma aha in ardaygu marka uu qalin jabiyo shaqo la'aan la jiifo.


Xaq ma aha in masaakiinta xoolo raacatada ah dushooda lagu loolamo oo hadba dhan layskula jiidho.


Xaq ma aha in marna cod loo doonto marna la dagaal galiyo.


Xaq ma aha in been aan dhamaad lahayn lagu maaweeliyo oo caqliyadooda lagu ciyaaro.


Wadankeennu wuxu u baahanyahay gurmad deg-deg ah, iyo caqli iyo cudud dhalinyaro oo caafimaad qabta.


Markaan wadankeenna leeyahay waxaan u jeedaa intii la isku odhan jiray (THE GREAT SOMALIA) 1960kii ilaa 1991kii.


Guud ahaan Soomaaliya waxa ka jirta faqri iyo nolol aad u adag oo aysan dadka shacabka ahi xaq u lahayn in ay nolol sidaas ah ku noolaadaan.


Waxa dawlad loo samaystaa waa in dadku ay helaan nolol ka duwan mida qalafsan ee ay ku noolyihiin, laakiin guud ahaan maanta Soomaaliya waxa ka jira dawlad u eeke iyo maamulo kala fikir iyo aragti duwan oo mid waliba uu dan gaara wato.


JIILKA BARAARUGA.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...