Falanqeyn: Kulamadii Xalay Ee Koobka Adduunka Iyo Kuwa Maanta
Kabtanka Xulka K/cagta ee
Wales Gareth Bale ayaa ka careysiiyay Mareykanka kulankii ay labada xul iskaga
horyimaadeen garoonka Ahmed bin Ali ee ka tirsanaa Koobka Adduunka ee ka socda
waddanka Qadar, kadib markii uu daqiiqadihii dhammaadka uu ka dhaliyay gool
bar-bar dhac ahaa.
33-jirkan ayaa isaga oo isticmaalaya awood iyo khibrad gool
rigoore ahaa ka dhaliyay xulka Mareykanka oo qeybtii hore ee ciyaarta gool ku
nasiyay dhiggooda Wales.
Xulka Wales ayaa ciyaaray kulankoodii ugu horreeyay ee Koobka
Adduunka tan iyo 1958-kii.
Goolka Xulka Mareykanka oo ahaa mid qurux badan waxaa dhaliyay
Timothy Weah, oo ah wiil uu dhalay ciyaaryahankii hore ee mar noqday
ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunidan, haatanna ah madaxweynaha Liberia George
Weah.
Tababaraha Wales Rob Page ayaa ammaanay ciyaartooyda xulkiisa,
isaga oo dhinaca kale sheegay in xulka Mareykanku uu ahaa xulk adag, halkan
tababaraha Mareykanka Gregg Berhalter uu sheegay xulka Wales ay wax badan ka
bedeleen qeybtii dambe ee ciyaarta.
Ciyaartii kale ee ka tirsaneyd qeybtan B, xulka England ayaa 6-2
uga badiyay Iran.
Dhinaca Qeybta B, waxaa shalay si aad ah u qalbi jabay qaarada
Afrika, gaar ahaan dalka Senegal oo ay ciyaartii furitaanka 2-0 ay kaga
badiyeen xulka qaranka Holland daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Ibrahima Ndiaye oo ah tafatire sare oo ka tirsan wargeyska Le
Soleil, oo ah maalinle kasoo baxa Senegaal ayaa u sheegay weriyaha VOA James
Botti in ciyaartooyda Senegal ay ahaayeen kuwii ugu fiicnaa, balse laga yaabo
waayo aragnimada ciyaartoydooda oo da’da yar ah iyo taatiko ahaan dhanka
tababaraha.
Ciyaaraha kale ee maanta dhacayana waxay xulalku isku arko
doonaan sidan;
Qeybta C: Argentina
vs Saudi Arabia, Mexico vs Poland.
Qeybta D: Denmark
vs Tunisia, France vs Australia.
Wixii warar iyo natiijooyin ah ee kusoo kordha Koobka Adduunka,
halkan ayaad kala socon doontaan.
VOA