Wax Ka Ogow Cunnooyinka Iyo Cabitaannada U Fiican Xusuusta
Marka laga fekero
xusuusaha iyo cunnada waxaa kugu soo dhaceysa buuggii ahaa "Baadigoobka
Waqtiga Lumay" ee uu qoray qoraaga u dhashay Faransiiska ee Marcel Proust,
oo geeriyooday qarni ka hor, taariikhdu markii ay ahayd November 18, 1922.
Waxyaabaha xusuustiisa
carruurnimo soo kiciya waxaa ka mid ah doolsho la tiimbiyay shaah.
Xusuusahaas lala
xiriiriyo cunnada "waxay sameysmaan iyadoo aan wax ka beddel lagu
sameyn," sida ay BBC Travel u sheegtay Susan Krauss Whitbourne, oo
cilmu-nafsiga ka dhigtay Jaamacadda Massachusetts Amherst.
"Waxay ku lug
leeyihiin meelaha caadiga ah, ee aan hadalka lahayn ee maskaxda taasoo u gudbi
karta iska warqabkaaga," ayay tiri.
"Taasi waa sababta
aad u bixin karto falcelinno qiireysan oo xooggan marka aad cunto cunno soo
kicinaysa xusuusahaas qotada dheer.
"Xitaa inkastoo
aadan xusuusahaas erayo ahaan u beddeli karin, waad ogtahay inuu jiro 'shey'
wax tegay ah oo ay cuntadaas soo kiciso. Xusuusta wax ka qoto dheer tahay
cunnada qudheeda, waxyaabaha xiriirka la leh xusuustaas muddada dheer, sida
goob amaba qof".
Balse, xiriirkan ka dhexeeya
cunnada iyo xusuusta, suurtogal ma tahay inay jiraan waxyaabo gacan ka geysta?
Sida uu qabo khabiirka
dhanka cilmu-nafsiga Kimberley Wilson, oo shahaadada sare ka heysta cunnooyinka
nafaqada leh ,waxaa jira cunnooyin iyo cabitaanno saameyn taban iyo mid togan
ku yeelan karta xusuusta.
Sidan ayuu u sheegay
BBC Reel .
"Xusuustu waa
awoodda aan u leennahay dib u milicsiga waxyaabo dhowaan amaba xilli fog
dhacay.
Waxaan leennahay saddex
nooc oo xusuus: mid deg deg ah, mid hadda shaqeyneysa, iyo mid fog.
Xusuusteenna degdegga
ah keliya muddo gaaban ayay jiri kartaa: waxaad u adeegsan kartaa inaad ku
garaacdo nambar uu qof hadda kuu sheegay adigoon meel ku qoran.
Waxaan xusuusteenna
shaqeyneysa u adeegsna karnaa inaan ku fekerno annagoo ficil ku guda jirna.
Howlaha sida wada
sheekeysiga, waxay naga caawiyaan inaan xusuusanno waxa uu qofku hadda sheegay,
fahanno micnahooda, la xiriirinno wada sheekeysi hore, kaddib la wadaagno
fekerkeenna gaarka ah.
Marka la eego
xusuusteenna muddada fog waxaan xusuusannaa waxyaabo dhacay maalmo ama sanado
kahor.
Xusuusaha ku keydsan
waxay u soo guuraan xusuusta dhow.
Waxaana soo baxaysa in
waxa aan cunno ay saameyn ku yeelan karaan sida ay xusuusteennu u shaqeyneyso.
Daraasad lagu sameeyay
dad waaweyn oo qaba dhibaatooyin dhanka xusuusaha ah, 500 oo milliliters oo
cabitaanka canabka purple-ka ah maalintii muddo 12 toddobaad ah ayaa u
suurtogeliyay inay bartaan erayo badan marka loo barbardhigo kooxda aan
cabitaankaas cabin.
Daraasado kale oo lagu
sameeyay carruur, inay cunaan 240 garaam oo canabka blueberries ah ayaa u
suurto geliyay inay xusuustaan erayo badan ayna dib u soo xusuustaan si sax ah
labo saacadood kaddib.
Marka, cabitaannada
purple-ka ah iyo blueberries ma kuwo muhiim ah baa?
Hagaag. Labaduba waxaa
ka buuxa maadda anthocyanins, oo ah nooca kiimikada dhirta oo lagu magacaabo
polyphenols taasoo siisa midabkooda dugulka ah. Waxyaabahan polyphenol ayaa
sidoo kale laga helaa noocyada kale ee canabka.
Marka ay jirka galaan,
waxay sare u qaadaan dabacsanaanta xiidmaha dhiigga iyo qulqulka dhiigga ee
maskaxda. Tani waxay keeneysaa nafaqo badan oo tamar leh oxygen taasoo sare u
qaadeysa xusuusteenna.
Keliyana
maaha canabka.
In muddo dheer la cabo
shaaha cagaaran ayaa sidoo kale lala xiriiryay inuu sare u qaado xusuusta
dhowr, tan shaqeyneysa, uuna yareeyo hoos u dhaca garaadka.
Taasina waxay war
wanaagsan u tahay dadka jecel shukulaatada, sidoo kale, sababtoo ah kaakaawga
wuxuu wanaajiyaa qulqulka dhiigga, inkastoo la rabo inay noqoto shukulaatada
madow oo ka kooban in ka badan 70% kaakaaw si loo helo faa’iidadeeda.
Waxa ugu muhiimsan ayaa
ah cunno caafimaad leh – oo qani ku ah furutada, khudradda, badarka buunshada
leh, misirta iyo kalluunka dufanta leh.
Cunnooyinka
la warshadeeyay iyo kuwa la dubay
Balse haddii
shukulaatada, canabka, iyo shaaha cagaaran ay u fiican yihiin xusuuteenna, ma
waxaa jira cunnooyin aan u fiicneyn?
Tobnaan sano oo
daraasado lagu sameyayay xayawaanka iyo dhowr jeer oo aadmiga lagu sameeyay
waxay muujinayaan in cunnada la warshadeeyay ay saameyn taban ku yeelan karaan
waxbarashada iyo xusuusta.
Daraasad ayaa
muujineysa 110 qof oo caafimaad qabay oo caadi ahaan cunnooyin nafaqo leh cuna
in laga codsaday inay cunaan cunno la shiilay keliya hal toddobaad.
Maalmo gudahood, waxay
cunnooyinkaas u horseedeen dhibaatooyin dhanka waxbarashada iyo xusuusta ah iyo
xakameyn xumo dhanka wax cunidda ah.
Baaritaan la sameeyay
ayaa inoo sheegaya in talaabbooyin yar oo loo qaado dhanka cunidda cunno nafaqo
leh, sida inaad quraacda ku darsato furutao, cashadana khudrad ku dunto, ay
naga caawin karto sare u qaadidda xusuusteenna maanta ayna difaac u noqon karto
tan mustaqbalka.
BBC