Waxaan Olole Ugu Jiraa Sidii Somaliland uyeelan Lahayd Xeer Caafimaad

0
Monday November 21, 2022 - 17:29:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Olole Ugu Jiraa Sidii Somaliland uyeelan Lahayd Xeer Caafimaad

    Xil-Jamaal Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xil-Jamaal Cali



 

Waxaan Shacabka la wadaagayaa in aan Olole wayn ugu jiro siina labadan laabi doono in Somaliland yeelato Xeerka Caafimaadka( Somaliland Health Act).



Waxaan iyo aad uga xumahay Qofkasta oo Muwaadin ah oo u geeriyooday,u naafoobay xirfad xumada ama si,uun dhibane ugu ah adeeg la,aanta caafimaad,iyo dayaca wayn ee Caafimaadkii ummada ee dalku ku jira oo maanta meeshii ugu xumayd maraya.


Waxaa ayaan daro ah in Somaliland 33 Xumuumadihii iyo Baarlamaanadii kala dambeeyay in ay  ku guul daraysteen in lagaadhsiiyo shacabka adeeg caafimaad oo  laysku halayn karo lana sameeyo xeerka Caafimaadka( Somaliland Health Act) waa wax aan sinaba loo aqbali karin.


Dhibka xanuun ka daran leh ee gaadhay Ahmed Cigaal iyo inta kale ee warkooda uu Muniir Ahmed Cigaal sheegay waa dhacdooyin Somaliland maalinle ka noqday oo qofkasta oo Somaliland jooga oo  dhegtiisu u furan tahay waxa dalka ka jira ma noqonayso wax ku cusub. Waxaynu ogayn Dhacdadii Hospital-ka Gabiley ee ku dhacday Jamiila Xuseen Muuse, Ayaan Yuusuf daahir oo u  geeriyootay la,aanta irbad dhiigjoojin ah,iyo kumanaan kale oo qaar ka mid ah aan warkoodu ina soo gaadhin oo maalin walba la kulma dayac iyo daryeel,laan dowladnimo waa wax uu diidayo qofkasta oo damiir nool iyo dadnimo in uun ku jirto, midkasta oo aan dan ka lahaynina waxaa laga yaabaa in uu dafiro oo isdiidsiiyo masiibada runta ah ee horteena taal ee ay tahay in aynu xal ka gaadhno.


Ugu dambayn ka Xildhiibaan ahaan waxaan beryahan ku jiray ka shaqaynta In la curiyo Xeerka Caafimaad Somaliland. Haddii rabi idmo Dhawaana baahida Xeerku meesha way ka baxaysaa waxaana iman isla xisaabtan Adeeg bixin iyo xuquuqiba ay ka dhalato.


Xil-Jamaal Cali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...